28,000 Somali ah oo ku xayiran Magaalada Sanca ee Caasimadda dalka Yemen

0
104

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 28,000 oo Qof oo Soomaali ah ay ku xayiran yihiin Magaalada Sanca ee Caasimadda dalka Yemen loona baahanyahay dib u celintooda.

Shir looga hadlayay dib u soo celinta Soomaalida Yemen ayaa lagu qabtay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti,iyada oo Shirkaas ay ka qeybgaleen Hay’adaha Dhunaca Qaxootiga ee Qaramada Midoobey.

Danjiraha Soomaaliya ee Yemen Cabdullahi Xaashi Shuuriye oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku xayiran Yemen ay gaarayaan 28,016 oo Qof loona baahanyahay dib u celintooda.

Shirkan ayaa laga soo saaray in khadka Mukalla iyo Boosaaso isku xira laga furo xeryo dadka soo laabanaya ay ku soo degaan,iyada oo shirkana uu noqonaya saddex bille.

Puntland ayaa horay u sheegtay in dhibaato badan ay ku qabto Soomaalida iyo Yemeniyiinta ka soo laabanaya colaadda ka socota dalkaas.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY