4 Qof oo Soomaali Mareykan ah ayaa ku guuleystay doorashooyinka Dowladaha hoose,Guddiyada waxbarashada iyo maamulka Degmooyinka Gobollada kala duwan ee Dalka Mareykanka kaddib doorashadii dhacday 7dii November.

Cabdi Warsame waxaa uu si dirqi ah uga badiyay Maxamuud Nuur,waxaana Cabdi uu helay 50%  Cod,halka Maxamuud helay 47%  Cod,Cabdi waxaa uu difaacanayay kursiga xaafadda 6aad ee Magaalada Minneapolis.

Isla Magaalada Minneapolis, C/Qaadir Xasan ayaa ku guuleystay Kursiga loogu tartamayay Meelaha Gawaarida la dhigto iyo Derjiinyoonka Xaafada magaalada.

Magaalada Hopkins oo ku taalla Galbeedka Minneapolis ,waxaa kursiga guddiga waxbarashada ku guuleysatay Fartuun Axmed oo Soomaali Amerikaan ah,guushaas waxaa ay xaqiijisay kaddib markii saddex xubnood oo guddiga waxbarashada magaalada ah shaqada ka fariisteen kuna dhawaaqeen in aysan tartameyn.

Qofka 4aad ee Soomaaliga ah kuna soo baxay doorashada dowlaha hoos ee Mareykanka waa Zak Idan oo ka tartamay kursiga Golaha degaanka Washington,waxaana uu ku guuleystay kaddib markii Ninkii kursigaas ku fadhiyay 36kii Sano ee la soo dhaafay uu ka haray tartanka.

Dhinaca kale Lix Qof oo Soomaali ah kana mid ahaa musharrxiinta u tartamayay doorashooyinka dowladaha hoose iyo Golaha degaanka Mareykanka ayaa ku guuldarreystay in ay soo baxaan,waxaana Soomaalida Sanadkan la tilmaamay inmmarkii ugu horreysay ay tirada ugu badan ka tartameen gudaha Mareykanka.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here