Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo 4 sano ah dalka hoggaaminayey ayaa waxaa u qabsoomay waxyaabo badan oo la taaban karo, halka uu gaari waayey ballan qaadyo uu sameeyey Waqtigii uu ololaha ku jiray, oo loogu cudur daari karo Duruufaha ku hareereysnaa waqtigii uu dalka hoggaaminayey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu waqtiga ka dhammaaday isagoo aan gaarin inta badan hadafkii iyo ballan qaadkii uu fidiyey, maadaama ay isugu darsoontay Duruufo iyo Waqtiga uu heystay oo aad u yaraa marka lala barbardhigo dhibaatooyinka u baahnaa in la xaliyo

Iyadoo ay sidaas tahay, ma dhihi karo Mudane ee aan dhaho ma mudane Mahad Salaad  ayaa bilaabay inuu muuqaal qaldan ka bixiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo kooban dalka xukumayo, isla markaasna muujiyey inuu yahay Wadani ay ka go’an tahay inuu dalka wax u qabto.

Mahad Salaad ayaa dhawaan bartiise Facebook kusoo qoray, Shan waxyaabood oo uusan Farmaajo fulin isla markaasna uu horey u ballan qaaday.

Horta ma xumo in Madaxweynaha la xasuusiyo inuu ballanqaadkiisa ka dhabeeyo, sidaas oo ay tahay haddana macquul maahan in qof madaxweyne ka ah Soomaaliya oo dhibaato badan soo martay lagu eedeeyo inuusan ballan qaad fullin iyadoo loo jeedo dhibaatooyinka dhaqaale, mid amni iyo mid awoodeed  ee jira.

kaba soo tagtay Duruufaha hor taagan dowladda, miyuusan ogeyn Mahad Salaad inuu Madaxweyne Farmaajo dalka kaliya xukumayo muddo 7 Bilood ah, Maalintii la doortayna uu bilaabay inuu dowladda Mucaarado markii ay kooxdiisa talada dalka lagala wareegay, miyuusan Mahad Salaad ogeyn inuu Farmaajo weli heysto ku dhawaad Seddex Sano iyo Bar oo uu dalkiisa kaga tagi karo waxyaabo lagu xasuusan doono, sidoo kalana uu fullin doono dhammaan Ballan qaadyadii uu sameeyey inta uu Alle qadaro..

Kaba soo tag, kaba soo qaad, kaba dhig inuusan Farmaajo hadda fullin shan ballan oo uu horey u qaaday, miyuusan Mahad Salaad ogeyn in dowladdii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamin jiray ee uu isagu hormuudka ka ahaa ay gaari weysay muddo afar sano ah inay  qabato ama fuliso ballan qaadyo ay fidisay kuwaas oo markii ololaha lagu jiray la sheegay inay noqon doonaan saldhigga Hoggaamintooda.

Marka Waxaa ceyb ah inuu Mahad Salaad isagoo 4 sano wax kusoo qaban waayey uu dhaleeceyn kala dul dhaco madaxweyne ay u furan tahay fursad aad u weyn oo 3.5 sano ah, wuxuuna cunugga hadda dhashay ee arko hadalada Mahad Salaad dareremayaa inuu yahay Shakhsi daaha gadaashiisa laga maamulayo isla markaasna la doonayo in sumcadiisa hoos loo dhigo balse ay isaga kala weynaatay hungurigiisa iyo inuu helo  Hanti weliba isagoo u jeedo sida ay Shabaab u xasuuqayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Inta aanan u gudbin lixda tiir oo ay wada qaban weysay dowladdii Xasan Sheekh ee  uu hoggaamiyaasheeda ku jiray Mahad Salaad, waxaana rabaa inaan idinla wadaago Shan Qodob oo ay dadka Mahad Salaad u dhow kusoo koobeyn waxqabad xumadiisa:

  1. Dhiig ma shubin :Lama lahan Miisaankiisa ma gaarin heer dhiig laga shubo, sidaas oo ay tahay lama arkin Mahad Salaad oo dhiig shubayo, weliba ma shubin, iyadoo laga warqabo inay dad Ajaanin ah oo Soomaali aheyn dhiig shubeyn, marka halkuu damiirka ka aaday Mahad Salaad.
  2. lacag uu deeqay lama arkin :Iyadoo ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo ay musiibo ku dhacday isla markaasna u baahan in gacanta loo taago, weliba iyadoo ay jiraan ilmo badan oo aabahood waayey, kuwa hooyadood waayey, kuwa dadkii ay ku tiirsanayeen waayeen, intaas oo jirto Mahad Salaad lama arkin isagoo gacan u taagayo dadkii Musiibadak u dhacday, marka laga reebo in la arkay isagoo Isbitaalada u tagay sidii uu dowladda u cambaareyn lahaa isla markaasna sawir qalalan isaga soo qaadi lahaa.
  3. Qof dhaawac ah oo uu caawiyey ma jirto : Iyadoo la ogaa in 2 berri dhaawac iyo meyd laga daldalay isgoyska 14 October ( Ex Zoobe), kuna sii darso wuxuu dowldda ku eedeeyey inaysan dhaawacyada gargaar u fidin, isagu bini’aadam maahan miyaa, Xildhibaan maahan miyaa?
  4. Wax qabad hore laguma aqoon: Waqtigii uu Siyaasadda ku jiray ma jiro waxqabad muuqdo oo uu Mahad Salaad u sameeyey Shacabka Soomaaliyeed, weliba haddii si guud laga soo tago, ma jiro wax uu u qabtay dadka ku dhaqan Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ee abaarihii la ogaa ku dhacey, taas badalkeeda waa Shakhsigii dowladii Xasan Sheekh kula taliyey in cunno qabateyn la saaro deegaanada aan soo sheegnay.
  5. in uu Kheyr ku hadlo waa laga waayay :Iyadoo loo jeedo inuu diiday ku dhaqanka hadalkii Qiimaha badnaa ee uu nooga tagay Rasuulkeena NNKH oo ahaa

من كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليقل خيرا أو ليصمت

oo micno ahaan loola jeedo: Qofka rumeeyey Alle iyo Maalinta Aakhiro haku hadlo Kheyre ama ha iska aamuso, anigu ma ogi meesha uu hadal kheyr ku jiro ku noqday in laga hor imaado Amiirka Ummadda Islaamka isla markaasna la iska horkeeno umadda walaale ah oo ku heshiiyey inay dowlad la sameysto.

  1. Kalmad run ah ma sheegin: Mahad Salaad inta badan wuxuu soo qoraa hadalo been abuur ah oo loo wado jeedo, waxaana xusid mudan inay ugu dambeysay hadalkii ku aadanaa inuu ka been sheegay gurmadkii loo fidiyey dadkii Musiibada ku dhacday oo la ogaa sidii ay dowladda u caawisay, waxayna aheyd beentii ugu weyneyd ee uu arrintaas ka sheegay in dam damisyada ay gaareen Zoobe 4 Saac kadib marka uu qaraxa ka dhacay taasoo aan horey uga qoray warbixin aan xaqiiqda iyo beenta Mahad Salaad kusoo bandhigay.

Miyeysan Mahad Salaad u muuqan Xadiithkii Rasuulka laga wariyey ee looga hadlay beenaalaha, kaasoo rasuulka uu sheegay in qofka caadeysto beenta ugu dambeyn diiwaanka Alle loogu qori doono inuu yahay Beenaale, halka qofka runta caadeystay badelkeeda Diiwaanka Alle loogu qori doono inuu yahay run badane

عن ابن مسعود – رضي الله عنه – قال: قال رسول الله – صلى الله عليه وسلم -: «إن الصدق يهدي إلى البر، وإن البر يهدي إلى الجنة، وإن الرجل ليصدق حتى يكتب عند الله صديقا. وإن الكذب يهدي إلى الفجور، وإن الفجور يهدي إلى النار، وإن الرجل ليكذب حتى يكتب عند الله كذابا» . متفق عليه.

Waxaan filayaa inay farrintaan gaari doonto walaalkey muslimka ah ee Mahad Salaad isla markaasna uu ku waano qaadan doono, hadaladii qiimaha badnaa ee uu nooga tagay Rasuulkeena, taasoo ay waajib nagu tahay inaan raacno.

Lixdii tiir oo ay gaari weysay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud

Halkaan hoose ka akhriso lixdii tiir oo ay ballan qaaday dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ee uu xubinta firfircoon ka ahaa Mahad Salaad, balse qaar badan oo ka tirsan la gaari waayey.

Inta aan u guda gelin, waxaan rabaa inaan halkaan ku caddeeyo inuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wadanka u qabtay waxyaabo badan oo lagu amaani karo isla markaasna uusan qarin karin qof Soomaaliyeed, haddana sidaas oo ay tahay ma jirto bini’aadam dhameystiran oo wax kasta oo uu ballan qaaday sameyn karo duruufo jiro awgeed, waxaana igu dhaliyey inaan arrintaan soo qoro, Mahad Salaad oo dowladdii uu ka tirsanaa gaari weysay ballan qaadyo waaweyn oo ay sameysay, haddana caado ka dhigtay inuu isku dayo hor istaagga dowlad iyo Madaxweyne ay shacabka doorteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu waday Olalaha ku ololeeyay Lix Tiir oo uu sheegay inay yihiin kuwa ugu horeeya ee dib usoo kabsasha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa mid mid uga hadlay Tiirarkaasi iyo muhiimadda ay leeyihiin, xilliguu uu musharraxa ahaa, waana uu yiri.

1- Tiirka ugu horeya waxaa xasilinta dalka, sareysiinta sharciga iyo dowlad wanaaga, xasilinta dalka waa tiir ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee ay ku taagnaan karto dowladnimo waarta oo hano qaada, waxaana ugu horeeya xasilinta dalka: Amniga, Garsoorka, Dowlad dhisida iyo Dowlad wanaaga, waxaa dib-u habeyn ku sameyn doonaa hadii alle yiraado, xoojin doonaa hay’adaha amniga qaranka si ay awood buuxda ugu yeeshaan hanashada amaanka dadka iyo dalka muddo gaaban gudaheed, waxaan dhisayaa ciidan tayeysan oo leh tiro ku filan oo ay ku gutaan waajibaakiisa qaran, isla markaasna heli doona xuquuqda iyo dayeelkooda joogtada ah, waxaan abuuri doonaa oo ku saleysan kalsooni u dhaxeysa shacabka iyo ciidamada qalabka sida, dalkeena waxaa lagu caleemaa marar badan arimaha xag jirnimada, waxaan ka hortagi doonaa afkaarta xagjirnimada midda diineed iyo midda qabiileed intaba, korna waxaa u qaadidoonaa doorka ay culumada ku leedahay la dagaalanka xagjirnimada iyo banadeynta umada guud ahaan, sidoo kale waxaa nasiib dari ii xanuun badan ah arinta burcad badeedka dalka Soomaaliya mar walba magaciisa lala xiriiriyo, waxaan xooga saari doonaa ciidan ilaaliya badaha Soomaaliya oo ka hortaga burcad badeednimada iyo kaluumaysiga sharci darada ah ee lagu dadasho kheyraadkeena, waxaan fursad iyo shaqo u abuuri doonaa dhalinyarada camalka ka dhigatay falalka burcad badeednimada”Garsoorka, Mudane gudoomiye, mudanayaal iyo marwooyin, xasilin guud kama suuro-galayso dalka inta laga helaayo garsoor madax banaan oo cadaalad ah, sidaas daraateed waxaan dhisayaa nidaam garsoor iyo cadaalad madax banaan oo kalsooni iyo aaminaad ugu qabta howshiisa heysta, oo kalsooni iyo aaminaad siiyay muwaadinka Soomaaliyeed, isla markaasna dhowra xuquuqda iyo xuriyada aas-aasiga ah ee muwaadinka, waxaan soo celin doonaa sharaftii iyo heybadii hay’adaha garsoorka iyo garsoorayaasha, waxaan hirgalin doonaa nidaamka xisbiyada badan si loo xaqiijyo in shacabka doortaan madaxdooda six or iyo xalaal ah.

Geedu u socodka dhismaha dowladnimada, Mudane gudoomiye, mudanayaal iyo marwooyin, si loo dhiso dowlad dhameystiran, waxaan hoosta ka xariiqayaa in diinta islaamka tahay saldhiga hab nololeedka shacabka Soomaaliyeed, waxaan dhameystirayaa dastuurka, gaarsiinayaa heer loo qaado afti qaran, waxaan ku baahinayaa awooda dowladnimada dhamaan gobolada dalka iyadoo aan la tashan doono xildhibaanada Soomaaliyeed iyo indheer garadka dalka.

Haweenka Soomaaliyeed waa lafdhabarka umada Soomaaliyeed, waxaan kor u qaadayaa doorka haweenka ee ka qeyb galka qeybaha kala duwan ee dowladnimada.

Dhalinyaradawaa udub dhaxaadka dalka, waxaan hubin doonaa inaan u diyaarino hogaanka iyo hor-umarka dalka ee mustaqbalka.

Dowlad wanaaga, waxaan dhisayaa maamul dowladeed oo ku saleysan aqoon, karti, hufnaan iyo wada tashi, waxaan cirib tirayaa musu-maasuqa, eexda, laaluushka iyo lunsashada iyo ku takri falka hantida Soomaaliyeed, waxaan abuurayaa hadii alle yiraahdo gudi madaxbanaan oo la dagaalamay musuq-maasuqa, isla markaasna, waxaan dhisayaa hay’adaha isla xisaabtanka dowladda ka mas’uulka ah, waxaan hor u marinayaa shuruucda maaliyadda dalka, isla markaana abuurayaa hay’ado qaran oo u xil saran uruurinta cashuuraha iyo dakhliga guud ee dalka.

Waxaan dhiiri-galin doonaa warbaahinta madax banana oo mas’uul ah, waxaan aad iyo aad dowlad wanaaga ka mid oo tiirarkeeda hormarin doonaa wada shaqeynta madaxtooyada iyo barlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

2- Tiirka labaad waa soo noleynta dhaqaalaha dalka, Mudane gudoomiye, mudanayaal iyo marwooyin kaabayaasha nolosha waxaan ka shaqeynaynaa sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha muwaadinka iyo mida qoyska Soomaaliyeed, waxaan abuurayaa haddii alle yiraahdo xarumo lagu tababaro xirfadlayda iyo xoogsada Soomaaliyeed si ay u sahlanaato inay shaqeystaan, soona saartaan noloshooda.

Waxaan dhiiri-galinayaa hor-umarinta dhaqaalaha qoyska, sidii qoyska soomaaliyeed ay miiskiisa u saarnaato wixii ay cuni lahaayeen, waxaan kobcinaynaa wax soo saarka dalka sida kan beeraha, xoolaha, Kaluumaysiga, isla markaana ka shaqeynayaa sidii waxsoo saarkaas loogu heli lahaa suuqyo caalami ah.

Waxaan ka hortagaynaa xaalufinta deegaanka iyo duur-joogta haddii alle yiraahdo, sidoo kale waxaa muhiimada saari-doonaa dib usoo celinta qaxootiga iyo dib u dajinta barakacaasha.

Kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan ak shaqeydoonaa hadii alle yiraahdo dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, buundooyinka, Kanaalada, Dekadaha iyo Garoomada diyaaradaha, waxaan hirgalin doonaa mashaariic cusub oo lagu dhisaayo kaabayaal cusub gobolada dib u dhacsan sidii heerka nolosha bulshada u noqoto mid isu dheeli tiran.

3- Tiirka sedexaad: Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, Mudane gudoomiye, mudanayaal iyo marwooyin, waxaan dhisayaa hadii ale yiraahdo guddi heer qaran oo waajibaadkiisa tahay dib u heshiisiinta, waxaan door muhiim ah siin doonaa hogaamiyaasha bulshada sida duubabka dhaqanka, culimaa’udiinka, haweenka, dhalinyarada, waxaana la abuuri goloyaal gaar u ah wada tashiga bulshada.

Waxaan ka howgali doonaan sidii loo abuuri lahaa bulsho Soomaaliyeed oo ka caafimaad qabta cadaalad darida, heyb sooca, quursiga, kooxeysiga iyo sadbursiga.

Mudane gudoomiye, mudanayaal tiirka afaardi waa soo noleynta adeega bulshada, dhinaca tacliinta, qaasanatn dhinaca caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka iyo faya dhowrka guud ee bulshada.

5- Tiirka shanaad waa midnimada iyo wada jirka umada Soomaaliyeed, waxaan geed dheer iyo geed gaaban u fuuli doonaa in la helo Soomaaliya mid ah oo dadkeeda iyo dalkaba ay mideysan yihiin, wada hadalka bilowga ee u bilowday Somalia iyo Somaliland waa sii hormarinaynaa, caqabad kasta oo hortaagan waa ka qaadeynaa, midnimada Soomaaliya waxaan rabnaa inay ku timaado, si wada jir ah iyo si la wada doonayo oo aan qolana lagu dhibin, qolana xoog lagu qasbin, xoogaasi haduu yahay mid ciidan iyo mid diblomaasiyadeedba si loo helo midnimo waarta oo dib u dhac dambe aanu ku imaanin, dowlada aan dhisayo waxay muhiimad wayn siin doontaa sii wadida iyo ka miro dhalinta hadafkaas midnimada qaranka soomaaliyeed ah, Waxaan amaanayaa maamul gobeedyada dalka ka jira si amni u sameeyaan dalka.

6- Qodobka ugu dambeeya tiirarka dib u dhiska dalka ilaalinta iyo abuurida xiriir caalami ah ee ku saleysan iskaashi iyo wada jir, waxaan soo celinaynaa sharaftii iyo karaamadii ay laheyd umada soomaaliyeed, waxaan ku dadaaleynaa soomaalida cusub inay xiriir wanaagsan oo ku dhisan iskaashi iyo is qadarin la yeelato wadamada dariska ah iyo kuwa caalamka intaba, waxaan qabnaa ra’yiga ah geeska Afrika oo ka madax banana ku tartanka hubka iyo colaada oo ay qowmiyada iyo dalalka ku nool ay dhex marto is qadarin iyo wada shaqeyn dhinaca amniga, dhaqaalaha, ganacsiga.

W/D: Cabdirizaak Muuse Biixi

Email: abdrizak1111@gmail.com

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here