Shirka xalinta qilaafaadka maamul goboleedyadda Somalia iyo Dowladda dhexe ayaa la filaya inuu maalmaha soo aadan ka bilaawdo Kismaayo (ISNIIN AMA TALAADO)

Waxaa su’aal badan ka taagan tahay waxa kasoo bixi doona shirka Kismaayo, doorka Dowladda  iyo nuuca uu noqon doono is fahamka maamul goboleedyadda.

Hadaba waxaan halkaan kusoo koobnay 6 arimood oo lagu ogaan doono Shirkaas.

1-Dhinaca Axmed Madoobe uu jiro

Waxaa aad loogu wareersan yahay halka uu jiro Axmed Madoobe siyaasad ahaan iyo marka laga hadlaayo qilaafka maamul goboleedyadda iyo Dowladda u dhaxeeya, shirkaan waxaa lagu ogaan doonaa fikirkiisa siyaasiga ah iyo aragtidiisa qilaafka taagan.

2-Xaaf iyo xilkiisa

Wali waxa taagan muranka madaxda Gal-Mudug, xildhibaanada qaar ayaa ku doodaya iney xilkii ka qaadeen madaxweyne Xaaf laakiin hadii uu ka qeyb galo shirka ka furmaaya Kismaayo waxaa loo fahmi doonaa inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Gal-Mudug, Dowladuna waa ku qasbanaan doontaa iney aqbasho taas.

3-Mustaqbalka Federaalka

Maamul goboleedyaddu waxa ay dareemayan in duulaan lagu soo qaaday oo ay Dowladda dhexe rabto iney Federaalka bur buriso sidaa darteed waxaa shirkaan laga filaya iney madaxda maamul goboleedyadu isla qaatan qadiyad ay ku difaacayaan hanaankooda Federaalka oo ay faa’iido ku qabaan sida ka muuqata.

4-Waa kuma madaxweyne Waare

Siyaasad ahaan wali lama fahmin hogaamiyaha cusub ee Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ,dad badan ayaa qaba in Farmaajo iyo Kheyre ay ahaayeen kuwii u dhiibay Hirshabeele qaarna fikirkaas uma cuntamin, hadii uu Kismaayo tago oo uu shirkaa ka soo muuqdo oo ay maamuladu soosaaraan war martiyeed uu qeyb ka yahay oo lidna ku ah Dowladda dhexe waa cadahay meesha uu jiro.

5-Saameynta Emirate-ka ee shirka Kismaayo

Shirkan waxaa jira warar sheegaya iney Emirate-ku gacan ku lee yihiin , hadii ay taasi sax tahay ama ay been tahay waxaa lagu ogaan doonaa nuuca miraha kasoo baxa ay noqdaan.

Doorka khilaafaadka Dowladda

Dowladda Somalia ayaa wali is maahineysa oo dadka ka qarineysa iney u taagan tahay dagaalka iyo duminta maamul goboleedyadda , shirkaan waxaa uu daaha ka qaadi doona doorka ay Dowladda dhexe ku leedahay khilaafka taagan, dumintii Hirshabeele iyo is mari waaga Gal-Mudug, Waxaa la filan karaa iney madaxda maamul goboleedyadu dadka u sheegaan waxa ay qarineyso Dowladda madaxweyne Farmaajo.

F.G: Warbixintaan waxay u gaar tahay Shabakadda Guuxa Online, lama isticmaali karo Xigasho la’aan, haddii kale Shirkadda Copyright oo aan ka diiwaangashanahay ayaan kugu dacweyn doonaa!! 

Fikirkaaga hoos noogu reeb iyo waxa aad ku dari karto adigoo isticmaalayo facebook-gaaga

 

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here