Waxaa Galabta Hoolka shirarka ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka dhacay Munaasabad lagu saxiixay Dhameystirka Heshiiska Ahlsuna iyo Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Heshiiskaas oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo dhiniciisa ka saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa loo saxiixay inuu noqdo Wasiirka Koowaad ee  Maamulka Galmudug taasoo ka dhigan inay Galmudug noqon doonto Maamul Goboleedkii ugu horreeyey ee yeesho Ra’isulwasaaraha ama Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada.

Halkaan hoose ka akhriso heshiiska ay kala saxiixdeen oo dhameystiran

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here