Shabakadda Guuxa Online, Waa Shabakad ay ku midoobeen in ka badan 8 Wariye oo caan ka ah Soomaaliya, waxaadna ka heleysaa Xog, Falanqeyn, Dhacdooyinka Maalinlaha ah iyo halka ay ka haleysan tahay Siyaasadda Soomaaliya, Rukumo wararkeena si moobeelkaaga iyo Computerkaaga laguugo soo diro, adigoo ku dhufanayo Calaamada gaduudan ee kaaga muuqato Shaashadda, sidoo kalana Pagekeena Facebook Like saar adigoo mahadsan 

_____________________________________________

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan isku raacay in Dhiibitaankii Qalbi Dhagax ay aheyd arrin aan waafaqsaneyn shuruucda u taalo dalka Soomaaliya.

Guddiigii loo xil saaray Baaritaanka Kiiskaas ayaa soo saaray warbixin ay ku sheegeen inuu arrintaas ka dambeysay Taliyihii hore ee Nabadsugidda Sanbaloolshe, inkastoo maalmaha soo socdo la filayo inuu Sanbaloolshe ka hadlo arrintaas oo uu wax badan banaanka keeno.

Haddaba Shabakadda Guuxa Online ayaa soo heshay Magacyada Shan Xildhibaan oo hor taagan inuu Cadaalad helo Qalbi Dhagax oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo si xaq darro ah loogu gacan geliyey dowladda Itoobiya oo uu xiriir cadowtinimo ka dhaxeeyey muddo badan.

Shantaan Xildhibaan ayaa wado olole xooggan oo lagu doonayo in meesha looga saaro kiiskaas isla markaasna meeshiisa looga haro.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso magacyada Xildhibaanadaas:

1) Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

2) Cabdullaahi Goodax Barre

3) Sagal Cabdirsaaq Isaaq Biixi

4) Cbdishakuur Cali Mire

5) Xildhibaan Sareedo  Maxamed Cabdulle

Shabakadda Guuxa Online ayaa ku daba joogto Xildhibaano kale oo howshaas qeyb ka ah, waxaana dhawaan idiin soo gudbin doonaa Magacyadooda Inshaa Allah.

Fiiro Gaar ah: Warbixintaan waxay u gaar tahay Shabakadda Guuxa Online, lama isticmaali karo Xigasho la’aan, haddii kale Shirkadda Copyright Millennium Act oo aan ka diiwaangashanahay ayaan kugu dacweyn doonaa!! 

Shabakadda Guuxa Online ayaa akhrsitayaasheeda u ballan qaadeyso inay usoo gudbin doonto wax kasta oo ku soo kordha Siyaasadda Soomaaiya, Dhacdooyinka maalinlaha ah, Falanqeyn, Xog iyo gorfeynta isbadalka Siyaasadda Soomaaliya, haddaba Rukumo wararka Guuxa Online si Computerkaaga iyo Moobeelkaaga laguug soo diro  Wararka adigoo kaliya ku dhufanayo Calaamadda Gaduudan ee shaashada Moobeelka ama Computerkaaga kaaga muuqato kadibna raacayo wadada rukumashada, waana lacag la’aan, sidoo kalana Like saar Pagekeena Facebook

 Fikirkaaga hoos noogu reeb iyo meesha danta u ah Shacabka iyo dalka adigoo isticmaalayo facebook-gaaga

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here