Al-Shabaab oo Madaafiic ku garaacay Saldhig Ciidanka Puntland ay ku leeyihiin Degaanka Buuraleyda Galgala.

0
146

 

Wararka laga helayo Duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen Saldhig ay Ciidamada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin Degaanka Buuraleyda Galgala ee gobalka barri.

Dadka Degaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa Sheegay inay maqleen jug culus,inkastoo aysan sheegin Tirada madaafiic oo ay dhagahooda ku maqleen.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa Baahisay in Al-Shabaab ay Dhowr madaafiic ah ay ku garaaceen Degaanka Buuraleyda Galgala,iyagoona Sheegay in Madaafiicdaasi ay ka dhalatay Khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Dhanka kale Saraakiisha Amaanka Puntland ayaan weli ka hadlin Warka ka soo baxay Dagaalamayaasha Al-Shabaab,kaasi oo ku aadan in ay madaafiic ku garaaceen Saldhig ciidamada Daraawiishta ay ku leeyihiin Buuraha Galgala.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay Waxaa ay kor u qaadeen Weerarada tooska ah ku qaadayaan Ciidamada Daraawiishta ee Maamulka Puntland,inkastoo Maamulka Puntland uu Shaaca ka qaaday in arimahaasi Wax badan laga Qaban Doono.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY