Al-shabaab oo sababtay inay go’do Isgaarsiinta Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya

0
124

Kooxda Alshabaab ayaa sababtay inay go’do isgaarsiinta deaanno dhowr ah oo ka tirsan Waqooyiga Bari ee Kenya.

Taliyaha booliska Wajeer Stephen Ngetich ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan oo loo maleynayo inay Alshbaab ka trirsan yihin ay gantaal ku dhufteen dhismaha Laanta Sharikadda Safaricom ee Magaalada Katulo, iyadoo burbur weyn kasoo gaaray anteenadii Shirkadda.

Ngetich Taliyaha Booliska Wajeer ayaa sheegay in weerar ay ku soo qaadeen magaalada Katulo shalay Al-shabaab aysan waxyeelo ka soo gaarin ciidamada iyo dadka rayidka ahba.

Arrintan ayaa sababtay inay go’do isgaarsiintii dadweynaha ee telefoonada shirkadda Safaricom oo ah tan ugu badan ee halkaasi laga isticmaalo, iyadoo ciidamada ay adeegsanayaan isgaariin u gaara.

Weerarkan lagu qaaday Katulo ayaa imanaya shan maalmood kadib markii weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidamo ku sugnaa Ceel-Waaq lagu diley shan kamid ah isla markaana lagu gubay gaari ay ciidamada lahaayeen.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY