Qarax Gaari loo adeegsaday ayaa Goor Dhow ka dhaca Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degaanka Weedow,waxaana la sheegay in Qaraxa lala Beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Midawga Afrika ee AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu Geystay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac,waxaana Dadka Qaraxa ku dhintay ku jira Dad Shacab ah oo goobta

Qaraxan oo ahaa Ismiidaamin ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada AMISOM lagula eegtay degaanka Weedow xilli halkaasi ay marayeen Kolonyo AMISOM .

Qof ka mid ah dadka degaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu arkaayay gaari NOAHA oo ku Qarxay Meel banaan oo barxad ah markii ay gudbeen Ciidamada AMISOM

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in khasaare kale uusan ka dhalan qaraxaasi, marka laga reebo ruuxii waday gaariga ismiidaamiyay.

Goobta qaraxa Ismiidaaminta uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Saraakiisha ciidamada ammaanka, waxaana ay xireen goobta iyadoo uu socdo Baaritaan.

Ciidamada AMISOM ee qaraxa Ismiidaaminta lala eegtay ayaa ka yimid dhanka wadada Afgooye, waxaana ay u soo socdeen Magaalada Muqdisho.

War lagu Faafiyay Baraha Taageera Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ay la beegsadeen Ciidamo isugu jira Mareykan iyo AMISOM oo marayay Duleedka Galbeed ee Magaalada Muqdisho.

Warka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Gaari ay la socdeen Saraakiil Mareykan ah oo ka yimid Gobolka Shabellaha Hoose ay ku dhufteen Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo uu waday mid kamida Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM weli wax war ah kama soo saarin,inkastoo la sheegay in Qaraxa uu Khasaare gaarsiiyay Dad Shacab ah oo Goobta marayay.

Al-shabaab ayaa Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dalka ka fuliya Qaraxyo kala duwan,waxaana Khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa Dadka Rayidka ah.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here