Axmed Madoobe oo kala dhantaalay niyada xubnaha golaha amniga qaranka

0
99

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ku kulmayaan Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inay muhiim tahay in mar waliba ay iska warqabaan Golaha Amniga Qaranka, isla markaana sameystaan shirar ay uga wadatashanayaan xaalada uu ku jiro dalka.

Axmed Madoobe,waxa uu sheegay inaanu macquul aheyn in iyadoo dhaqaale xoogan lagu bixinaayo shirarka Golaha Amniga Qaranka, hadana aan la qaadan qodobada kasoo baxa shirarka qabsooma.

Waxa uu Madoobe sheegay in heerka amni daro ee ka taagan dalka uu gaaray heer Caasimadaha maamul Goboleedyada ay xiliyada qaar ay qalqal galiyaan al-Shabaab, waxa uuna cod dheer ku sheegay in taa ay ugu wacantahay gaabis ku yimid ka dhabeynta talaabooyinka lagu sugaayo amniga.

Waxa uu Axmed Madoobe sheegay in dowlada laga doonaayo inay la imaado qorsho cad oo looga gaashaamankaro dhagarta ay al-Shabaab u maleegayaan dadka shacabka ah, waxa uuna ku taliyay in xili hore leyska kaashto ka hortaga al-Shabaabka.

‘’Shirka waa inuu yeeshaa qorsho fulineed, waxba masoo kordhineyso in dhaqaale lagu bixiyo shir ceynkaan ah, hadana aanu kasoo bixin wax natiijo ah, waxaan dooneynaa in la dhaqan galiyo wixii kasoo baxa shirka’’

‘’Waad aragtaan al-Shabaab waxa ay gudaha u galayaan deegaano aysan horay u heysan marka aaway qodobadii kasoo baxay shirarkii hore ee amniga, ma waxay aheyd in la diiwaangaliyo oo keliya, waa inaan yeelanaa awood aan isaga soo afjari karno shabaabka’’

Sidoo kale, Madoobe ayaa wacad ku maray in Jubbaland ay Naf, Dhaqaale iyo Hubka ku bixineyso iska xoreynta al-Shabaab, hase yeeshee dowlada laga doonaayo isgarabtaag.

Haddalka Axmed Madoobe ayaa u muuqanaaya mid lagu duraayo dhammaan xubnaha qeybta ka ahaa shirkii hore ee Golaha Amniga Qaranka oo iyagu u muuqda kuwo aan weli qaadin wax talaabo ah, waxa uuna hadalkaan kala dhantaalay rajada Xubnaha.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY