Axmed Madoobe “Shirka Kismaayo Waa u Abshir Umadda Soomaaliyeed”

0
120

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in shirka ka furmi doona Axadda Berri ah magaalada Kismaayo uu yahay mid lagu doonayo in looga hadlo aayaha dalka iyo dadka.

Waxa uu sheegay in shirkaan ulajeedka ay u qabaneyso Jubbaland ay tahay sidii la isugu soo dhoweyn lahaa dadka Soomaaliyeed, isdoo kalena looga arrinsan lahaa wax walbo oo ku aadan masiirka dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadaba ay ka wadahadli doonaan arrimo dan u ah shacabka iyo dalka, islamarkaana wuxuu rajeeyay in isfaham uu shirkaasi kusoo dhammaado.

“Shirka Kismaayo waa u abshir umadda Soomaaliyeed, waxaan idiin sheegayaa in shirkaan uu yahay mid aan isugu keeneyno madaxda Soomaaliyeed, mid aan ku dooneyno in lagu soo afjaro khilaafka jira” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxaa uu sheegay in Shirkaasi uu yahay gogol Nabadeed, isla markaana Natiijadda kasoo bixi doonta in ay noqon doonto mid ay dani ugu jirto dhammaan umadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo dowladda dhexe aanay caddeyn mowqifkeeda ku aadan shirka Kismaayo, hadana weli waxaa magaalada Kismaayo ku qulqulaya madaxda maamul goboleedyada dalka.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY