Waddooyinka waaweyn ee dalalka Turkiga, Urdun, Lubnan iyo Washington ayaa waxaa ka bilowday banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo go’aankii uu Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump ugu aqoonsaday Qudus inay tahay Caasimadda dalka Israa’iil iyadoo la ogyahay inay Yahuuda Magaaladaas xoog ku qabsadeen.

Boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay toban magaalo ka tirsan dalka Turkiga, waxayna dadka banaanbaxa dhigayey wateen Calanka Turkiga, Midka Falastiin iyo kan ururka Xamaas, waxayna isugu imaadeen Safaaradda Mareykanka ay ku leedahay Magaalada Istanbul.

Debadbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qornaayeen “waa Dhimashada Israa’iil” iyo ” Qudus waa Magaalo  ay leeyihiin Carabta iyo Islaamka” sidoo kalana waxay ku qeylinayeen ereyo liddi ku ah dowladaha Mareykanka iyo israa’iil.

Sidoo kale Caasimadda Urdun ee Cumaan ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal kun oo qof kuwaas oo iyagana banaanbax weyn ka dhigay iridda hore ee safaaradda Mareykanka.

Dalka Lubnaan waxaa socod weyn kusoo maray jidadka dadweyne aad u careysan kuwaas oo markii dambe isugu imaaday Caasimadda Bayrood.

Dalka Morocco ayaa sidoo kale kamid ah wadamada ay ka dhaceyn isku soo baxa looga soo horjeedo go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda dalka Israa’iil, waxayna dadweynaha Morocco ku dhawaaqayeen ” Waxaan la jirnaa Qudus” ” Maalin kamid ah adduunyada Qudus ma lahaan doonaan Israa’iil”

Magaalooyinka dalka Falasteen guud ahaan waxaa ka bilowday mudaaharaadyo wadamada Islaamka looga dalbanayo inay jawaab cad ka bixiyaan go’aanka gardarada ah ee uu qaatay madaxweynaha Mareykanka Trump.

ugu Dambeyntii waxaa sidoo kale dadweyne isugu soo baxeyn Magaalada Washington ee dalka Mareykanka, waxayna siteen boorar ay ku qornaayeen ereyo looga soo horjeeday go’aanka Trump iyo kuwa kale oo lagu muujinayey inay Qudus tahay meel ay leeyihiin islaamka.

 

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here