C/raxmaan Ceynte oo si aan horay loo arag uga falceliyay xilka qaadistii Thaabit,fadeexeeyayna..

0
594

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), ayaa waxaa xilka looga qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku-xigeenadiisa Gobolka.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna DuqaMuqdisho

Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga C/raxmaan Sheikh Cali Ceynte ayaa waxa uu si kooban kaga hadlay xilka ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in kacaanka uu kala jeedo madaxda Dowladda ay bilaabeen iney cunaan carruurtooda.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay Mr. Ceynte in markii uu arkay xaalka hadda sida uu ku socdo uu soo xusuustay Maqaalka Saxafigii Faransiiska uu qoray ee ku aadanaa in Kacaanta uu bilaabay inuu cuno Carruurtiisa 20-sano ka dib.

Halkaan Hoose Ka Aqriso Qoraalka;-

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY