Ciidamada DF ee Gedo oo sida Shabaab ula dagaalami doona ciidamada Kenya

0
33

 Korneel Aadan Axmed Dufle oo kamid ah Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Gedo, ayaa si kulul uga hadlay weerar ay ciidamada Kenya ku dileen Askar ka tirsan ciidamada xoogga.

Korneel Aadan, ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay si ku talogal ah u laayeen ciidamada, waxa uuna wacad ku maray in shalaay ay ku danbeyn doonaan, sida uu haddalka u dhigay.

Korneel Aadan, waxa uu tilmaamay inaan mar kale loo dulqaadan doonin ciidamada Kenya, sidaa aawgeedna ay ula dagaalami doonaan si lamida Al-Shabaab.

Waxa uu Korneel Aadan, sheegay inay dhibaatooyin kala duwan ciidamada Kenya ku hayaan dadka deegaanka ku ah Gobolka Gedo, hase ahaatee ay ka aargudan doonaan Askarta ay ka dileen ciidamada xooga.

‘’Ciidamada Kenya waa inoo dagaal waxaa dhamaaday wada shaqeynta haddii ay marba dhabarka naga tooganayaan sida Alshabaab’’

Korneel Aadan Axmed ayaa Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay jawaab ka bixi doonaan dilka Saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidanka xooga Dalka isagoo Dowaladda Somalia ka dalbaday in ay si cad uga hadlaan dhibkii dhacay.

Haddalka Korneelka ayaa imaanaya kadib markii ciidamada Kenya oo isku muuqaal ekeysiiyay Shabaab dagaal dhabar ka taagasho ah la galeen ciidamada Xooga ee Gobolka Gedo.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY