Ciidamada Dowladda oo tallaabadii ugu weyneyd ka qaaday Maleeshiyo Shabaab ka tirsanaa oo dad shacab ah ku laayey Duleedka Muqdisho

0
684

Ciidamada Ururka 8-aad, guutada Seddexaad ee ka tirsan Ciidamada xoogga Dalka ayaa howlgalkii ugu saameynta badnaa ka sameeyey inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye halkaas oo shalay Galab ay dhibaato xoog leh ka geysteen Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab.

Shalay Galabtii Maleeshiyo wadatay gaari iyo Mooto kuwaas oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaa gaari dad shacab ah ay saarnaayeen ku dilay ilaa 3 qof halka hal kalana ay ku dhaawaceyn, iyadoo la sheegay inay durba meesha isaga carareen.

Waxaa arrintaan ka war helay Ciidamada Ururka 8-aad , guutada Seddexaad kuwaas oo degen Xerada laanta Buure, waxayna jid gooyo la qorsheeyey u dhigeyn Maleeshiyadaas kadib markii lasoo gudbiyey akbaartooda oo dhameystiran.

Ciidamada Dowladda oo aad ugu diyaarsanaa Maleeshiyadaan ayaa mar qura rasaas huwiyey ciidamadaan oo watay baabuur iyo Muuto, waxaana la xaqiijiyey in halkaas lagu laayey dhammaantood oo ka koobnaa ilaa 4 Maleeshiyo oo mar kasta jidkaas dhibaato ugu geysan jiray Shacabka.

Sida ay Shabakadda Guuxa Online xogta ku heleyso Ciidamada dowladda ayaa la wareegay Gaarigii iyo Mootadii ay saarnaayeen Maleeshiyadaan, sidoo kalana waxaa laga qaatay hub iyo rasaas ay wateen.

Dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyey in Maleeshiyadaan la laayey ay dhawr jeer oo hore falal kala duwan ka sameeyeen jidka u dhaxeeyo Muqdishi iyo Afgooye.

Howlkgalkaan ayaa noqday mid si weyn loogu guulesytay, waxaana si weyn usoo dhaweeyey Shacabka deegaanadaas oo sheegay inay dhibaato weyn ku qabeen.

Jidka u dhaxeeyo Afgooye iyo Muqdisho ayaa dhawr jeer waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxo qorsheysan, waxaana lasoo sheegayaa inay ragaas fullin jireyn inta badan isla markaasna ay ahaayeen kuwa Al-Shabaab u qaabilsanaa.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY