Cosoble “Dowladda Federaalka Waxay Dumineysaa Maamul Goboleedyada”

0
131

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaaliya  ay ku howlan tahay duminta maamul goboleedyada dalka.

Cosoble oo u waramay Goobjoog Fm, isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ayuu sheegay in qorshaha dowladda uu yahay sidii lagu burburin maamullada iminka dalka ka jira.

Waxa uu tilmaamay Cosoble in markii dib loo eego wixii uu isaga kala kulmay baarlamaanka Hirshabelle iyo waxa hadda ka jira Galmudug ay caddeyn buuxa u tahay in dowladda ay kaalin mug leh ku leedahay waxa soconaya.

“Dowladda Federaalka waxay dumineysaa maamul goboleedyada dalka ka dhisan, waxay ku howlan tahay in la burburiyo maamullada sida sharciga ah ku jooga, waxaana dareemi kartaa wixii ka dhacay Jowhar iyo Cadaado” ayuu yiri Cosoble.

Dhanka kale, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa weli sheegaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Hirshabelle, magaalada Jowharna ay xoog uga soo saartay dowladda Federaalka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY