Dagaal U Dhaxeeya Maamulada Puntland Iyo Somaliland Oo Ka Socda Tuka Raq

0
588

 

Wararka laga Gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Soomaliland ay saaka la wareegeemy tuulada Tukaraq oo u dhow magaalada Garowe.

Weerarka ciidamada Somaliland ee saaka ayaa ku soo beegmay iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu ku sugan yahay magaalada Garowe, waxayna degaanka Tukaraq ee ay la wareegeen ciidamada Somaliland u jirtaa in ka yar 85 KM.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Tuuladda Saakay Arootii uu ka dhacay dagaal Kooban oo u dhaxeeyay Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland, islamarkaana ugu dambeyntii ay qabsadeen ciidamada maamulka Somaliland.

Tukaraq ayaa hoos timaada degmada Laascaanood, waxayna ahayd meel ay isku hor fadhiyeen ciidanka labada maamul maalmihii ugudanbayay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah ay Puntland u dirtay degaankaasi, iyadoo xiisad colaadeed ay taagan tahay.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY