Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Abdirahman Omar Osman ayaa sheegay inay Ahlu Sunna iyo Galmudug wada saxiixdeen heshiis rasmi ah.

Heshiiskaas oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo dhiniciisa ka saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa boggiisa Facebook kusoo qoray in Sheekh Maxamed Shaakir loo saxiixay inuu noqdo Wasiirka Koowaad ee  Maamulka Galmudug taasoo ka dhigan inay Galmudug noqon doonto Maamul Goboleedkii ugu horreeyey ee yeesho Ra’isulwasaaraha ama Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada.

heshiiska ay kala saxiixdeen labada hoggaamiye oo dhameystiran waxaan idiin soo gudbin doonaa Daqiiqadaha soo socdo Inshaa Allah

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here