Dhaq dhaqaaq Ciidan midkii ugu weynaa oo ka bilowday Gobolka Hiiraan

0
163

Shabakadda Guuxa Online, Waa Shabakad ay ku midoobeen in ka badan 8 Wariye oo caan ka ah Soomaaliya, waxaadna ka heleysaa Xog, Falanqeyn, Dhacdooyinka Maalinlaha ah iyo halka ay ka haleysan tahay Siyaasadda Soomaaliya, Rukumo wararkeena si moobeelkaaga iyo Computerkaaga laguugo soo diro, adigoo ku dhufanayo Calaamada gaduudan ee kaaga muuqato Shaashadda, sidoo kalana Pagekeena Facebook Like saar adigoo mahadsan 

_____________________________________________

Axmed Maxamed Tareedisho Taliyaha Guutada 52-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen in ay dagaal ku qaadaan goobaha ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta amarka Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in dagaal lagu qaado Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay in ay ka shaqeynayaan sidii ururka Al-Shabaab ay kaga saari lahaayeen degaanada ay hada kaga sugan yihiin gobolka islamarkaana ay qaadayaan howlgalkii ugu dambeeyay.

Taliyaha Guutada 52-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin u geystaan dadka shacabka ah.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhac u geystaan dadka xoolaleyda ah iyo dadka ganacsatada ah.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY