Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka bilowday kulamo joogta ah oo u dhexeeya Diblumaasiyiinta Imaaraadka Carabta ee ka howlgala Safaaradooda Muqdisho iyo Xildhibaano ka tirsan BFS.

Xildhibaanadan ayaa u badan kuwo dib usoo laabtay oo horay uga mid ahaa Xildhibaanadii lagu burburiyay Dowladii Xasan Sheekh ee la doonaayay inay soo rogaal celiso.

Diblumaasiyiinta Imaaraadka ee ka howlgala Safaarada ayaa kulamo joogta ah muddo Seddex maalin ah la qaadanaaya Xildhibaanada oo ay horboodayaan kuwo miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia oo horay u rogay rajadii Xasan Sheekh uu ka lahaa dib usoo laabashada.

Xildhibaanada ayaa la xaqiijiyay inay barbar socdaan mas’uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dalka iyo Siyaasiyiin aan xilal qaban balse miisaan leh, kuwaa oo ololo ugu jira mawjado Siyaasadeed oo lagu furo Xukuumada Somalia.

Mas’uuliyiinta sida joogtada ah ay u wada kulmaan Diblumaasiyiinta Imaaraadka ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu kamid yahay Madaxweynihii hore iyo tirro mas’uuliyiin kale oo ku xiran dowlada Imaaraadka.

Qorshaha kulamada u dhexeeya Diblumaasiyiinta Imaaraadka iyo Mas’uuliyiinta ayaa la sheegay inuu yahay mid salka ku haya sameynta Unugyo miisaan leh oo ka dhex shaqeeya Dowlada Somalia, kuwaa oo aasaaskooda uu noqon doono daciifinta awooda dowlada, waa sida uu yahay qorshaha Imaaraadka.

Dowlada Imaaraadka ayaa Somalia kula jirta dagaal Siyaasadeed qaboob, waxaana xusid mudan in loo adeegsanaayo xubno laga soo kala xulay Xildhibaano kasoo kala jeeda beelaha Soomaalida kuwaa oo huwan shaar Qaran.

Sidoo kale, Dowlada Imaaraadka Carabta oo casuumaado u sameysa Madaxda ugu sareysa dowlada ayaa waxaa haddana aysan ka turjumi karin jaceyl loo qabo dowlada Somalia, waxa uuna dagaalkan socon doonaa in Somalia ay isku dhiibto Imaaraadka.

Dhinaca kale, waxaan la xaqiijin karin heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka dhaliyay heerka abaabul ee Imaaraadka kala dhexeeya Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta, walow ay muuqaneyso awoodo soo jireen ahaa sanadihii ugu danbeeyay.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here