Dilalka oo ku soo kordhay Muqdisho & nin lagu dilay Suuqa Bakaaraha

0
610

Nin dhalinyaro ahaa, ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu dilkan ku soo beegmaya, iyadoo dilalka ay maalmahaan ku soo bateen magaalada.

Ninkan, ayaa waxay rag bistoolado ku hubeysnaa ay ku dileen agagaarka Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom, xilli sida la sheegay uu ka yimid dhinaca Suuqa Cabdalla Shideeye.

Raggan oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab, ayaa qaarka kore ee jirkiisa ka toogtay ninkaasi, iyadoona dilka ka dib ay ka baxsadeen goobtaasi.

Ciidamada Dowladda oo fariisimo ku leh Isgoyska Hawlwadaag, ayaana ku fashilmay inay ku baxaan dembiile-yaasha, isla-markaana ay cadaaladda horkeenaan.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayan in Ciidamada Booliska ay mar dambe halkaasi ka qaadeen meydka marxuumka, iyagoo geeyay Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID. Xaruntan waxaa la geeyaa meydadka, dadka ay dilaan ragga bistooladaha ku hubeysan.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga dareemay inay si aad ahi ugu soo bateen dilalka qorsheysan. Xalay ayayna ahayd markii haweeney lagu dilay xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.

Dilalka waxay ku soo aadayan, xilli is qabqabsiga iyo murunka u dhaxeeya xukuumadda iyo baarlamaanka uu cirka isu sii shareeray.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY