Dowladda oo Kala Furfuraysa Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada

0
40

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa bilowday in ay kala furfurto Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada oo dhawaan loogu dhawaaqay magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land.

Masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Jubba-land ayaa xaqiijiyay inuu jiro kala shaki iyo is aaminaad la aan soo kala dhex gashay madaxda Dowlad-gobbaleedyada dalka taasoo ka dhalatay safarka Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ee Puntland iyo Galmudug.

Arrintaas ayaa sababtay in Madaxweynaha Maamulka Jubaland mudane Axmed Shekh Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) uu shalay baajiyay safarkii uu ku tagi lahaa magaalada Dhuusamareeb oo uu ka furmayo shirka madaxda Soomaalida, iyo dhameystirka Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isku dayeyso inay kala furfurto Madashii ay madaxda Maamul Gobboleedyada ay sanadkii hore ku sameysteen magaalada Kismaayo ee caasimdda KMG ah ee Maamulka Jubba-land.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali(Gaas), ayaa isna shaki la galinayaa in uu tago Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Galmudug kadib markii shalay Diyaaradd UN-ka leeyahay diiday in ay kasoo qaado Magaaladda Gaalkacyo.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY