Dowladda oo weerarkii ugu cuslaa qaadeyso iyo Al-Shabaab oo milkiilayaasha Gacafyada ku qasbayo inay ku jaraan Jidadka soo galo…. 

0
13956

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isku diyaarinaya weeraro ballaaran oo ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab, sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan.

Hoggaamiyayaasha Soomaalida oo ay ku jiraan madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa ku hanjabay in ay ka aargoosanayaan qaraxii gaariga xamuulka ahaa ee isku miidaamiyey Muqdisho kaasoo dhacay 14-kii October oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof. Al-Shabaab ma aysan sheegan mas’uuliyadda qaraxa, laakiin saraakiishu waxay ku eedeeyeen kooxda, inkastoo dad yar ay shaki ka qabaan cidda fulisay weerarkaas.

Mid kamid ah dadka dagan Shabeelada Hoose ayaa VOA u sheegay inay arkeen Ciidamo badan oo ka tirsan Midowga Africa iyo kuwa dowladda oo ku qulqulayo deegaanadaas.

“Waxaan aragnay ciidan millatari oo aan caadi ahayn oo dawladdu leedahay, waxaan arkeynay gawaari sidey sahayda milatariga, Hubka cul culus oo lagu rakibay Gawaarida Dagaalka, iyo gawaarida Ciidamada lagu daabulo oo Afgooye ku sugan” ayuu yiri Maxamed Muuse oo la hadlay Idaacadda VOA.

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa VOA u sheegay inuu dhaq dhaqaaq Militari oo xoog leh ka socdo Garoonka Diyaaradaha Bale Doogle oo 90 Km Waqooyi Galbeed kaga beegan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mas’uulka ka tirsan Dowladda oo diiday in magaciisa la sheego lana hadlay VOA ayaa yiri ” ma awoodo inaan warbixino kale oo dheeraad ah idin siiyo, balse waxaan idiin xaqiijin karaa in dhawaan weerar culus lagu qaadi doono Meelaha ay Al-Shabaab gacanta ku hayaan iyo Goobaha ay ku xooggan yihiin, waxaana dagaalkaas si wadajir ah uga qeyb qaadan doono Ciidamada Dowladda, Kuwa AMISOM iyo Ciidamo kale oo ka tirsan dowladaha Xiriirka la leh Soomaaliya”

Xarakada Al-Shabaab ayaan wax war ah soo saarin  tan iyo markii uu Qaraxa ka dhacay Muqdisho, waxayna Saraakiil ka tirsan dowladda oo soo xiganayo Sirdoonka Mintidiinta Al-Shabaab u sheegeen VOA inay Shabaab ku qasbayaan Milkiilayaasha Gacafyada ee ku sugan deegaanada ay gacanta ku hayaan inay jaraan jidadka soo galo meelaha ay joogaan iyagoo sidoo kale miinooyin ku xiray jidadka si ay uga hor tagaan duulaanka kaga soo socdo Ciidamada Dowladda oo garab Militari ka helayo dowlado badan oo ay ugu horreeyaan kuwa AMISOM.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  oo booqday wadamada Uganda, Ethiopia iyo Djibouti ayaa sheegay inay madaxda dowladahaas u ballan qaadeyn inay si wadajir ah uga qeyb qaadan doonaan duulaanka uu sheegay in lagu qaadayo dhawaan meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab oo la aaminsan yahay inay ka dambeeyeen qaraxii musiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe.

“Hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya saddexda dal ee aan booqday waxay ballan-qaadeen taageerada buuxda ee weerarkayaga qorshaysan ee ka dhanka ah xagjiriinta.”  ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo Arbacadii Saxaafadda kula hadlay Muqdisho waqti uu kasoo laabtay safar uu ku tagay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

F.G: Warbixintaan waxay u gaar tahay Shabakadda Guuxa Online, lama isticmaali karo Xigasho la’aan, haddii kale Shirkadda Copyright Millennium Act oo aan ka diiwaangashanahay ayaan kugu dacweyn doonaa!! 

Shabakadda Guuxa Online ayaa akhrsitayaasheeda u ballan qaadeyso inay usoo gudbin doonto wax kasta oo ku soo kordha Siyaasadda Soomaaiya, Dhacdooyinka maalinlaha ah, Falanqeyn, Xog iyo gorfeynta isbadalka Siyaasadda Soomaaliya, haddaba Rukumo wararka Guuxa Online si Computerkaaga iyo Moobeelkaaga laguug soo diro  Wararka adigoo kaliya ku dhufanayo Calaamadda Gaduudan ee shaashada Moobeelka ama Computerkaaga kaaga muuqato kadibna raacayo wadada rukumashada, waana lacag la’aan, sidoo kalana Like saar Pagekeena Facebook

Fikirkaaga hoos noogu reeb iyo meesha danta u ah Shacabka iyo dalka adigoo isticmaalayo facebook-gaaga.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY