Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Qarax Gaari ciidan ay saaran yihiin oo lagula eegtay Muqdisho

0
300

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay degmada deyniile ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso, waxaana la sheegay in lala eegtay Sarkaal ka tirsan Ciidamada DFS, xilli uu marayay nawaaxiga Haanta dheer ee degmadaasi.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen illaa 5 Askari oo ka tirsan Ciidamada milateriga Dowladda, kuwaas oo saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Laamaha Ammaanka oo ku aadan qaraxaasi.

Balse xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana muddo kooban Waddadaasi xiray Ciidamada Dowladda, inkasto markii dambe ay dib u fureen dhaq dhaqaaqii Waddadaasi.

 

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY