Habargidirey xaggee u socotaa mise miir ma lihid, wixii ordaya ma la ordaysaa adigu, waxaad ku jirtaa xaalad jahawareer ah ismana ogid, mudo sideed sano ah (Shariif illaa Xasan Shiikh) waxaad dabataagnayd Abgaal oo u haysta inay kaa adkaadeen oo ay afka kaa garaaceen, maanta adigu ma ogid dantaada ayaa ku jirta Farmaajo inuu afar sano meesha kuu fadhiyo, adiguu meesha kuu joogaa ismana ogid, bal maxay tahay wuxuu kugu sameyn karo Farmaajo, muxuu haystaa oo uu kuu dhimi karaa, isagaa adiga kuu baahan, xilligii Xasan Shiikh waxaa xabsiyada ka buuxay oo laga ganacsan jiray dhalinyaradaada, waxaa lagu sheegi jiray inay yihiin Shabaab, waxaa arrintaa mas’uul ka ahaa Xasan Shiikh oo ay wakiil ka ahaayeen wiilashiisii juhalada ahaa ee Muungaab iyo Tuuryare, ma xusuusataa Habargidirey mise waxba ma xusuusatid in markuu Muungaab ahaa Duqa Magaalada uu kugu tilmaamay Dawaco.

Abgaal wuxuu maanta rabaa inuu adiga Habargidir ah ku dagaal geliyo oo aad xukunka ku soo celisid, dheeftana isaga uu cuno keligiis, kaana ilaaliyo inaad noqotid Madaxweyne iyo Raysal Wasaare, ma xusuusataa inuu Xasan Shiikh u tagay Farmaajo kuna yiri intii aad Raysal Wasaaraha siin lahayd Habargidir waxaad siisaa Murusade, markuu Farmaajo sababta weydiiyey wuxuu ku yiri Abgaal ma yeelayo in Habargidir laga dhigo Raysal Wasaare, sow la yaab ma ahan maanta inuu Abgaal doonayo inuu adiga jaranjaro kaa dhigto isagoo kugu xanta in guushii doorashada Farmaajo aad adigu ka dambeysay, habeen dhoweyd adigaa laguu tashanayey mana aadan joogin meeshuu laguugu tashanayey, odoyaal ka socday Abgaal ayaa u tagay Farmaajo waxayna ku yiraahdeen Habargidir waxay noogu xirnayd shabaq adiga ayaana ka soo furay, haddii aad maanta na siiso Raysal Wasaaraha shabaqii ayaan ku celinaynaa, waad ogaan doontaan Habargidirey in warkaas uu kugu rumoobo, hadaba dib u feker oo fiiro yeelo.

Cali Caaqil Cusmaan

Muqdisho, Soomaaliya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Guuxa Online. Guuxa Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada guuxaonline@gmail.com Mahadsanid.

Shabakadda Guuxa Online ayaa akhrsitayaasheeda u ballan qaadeyso inay usoo gudbin doonto wax kasta oo ku soo kordha Siyaasadda Soomaaiya, Dhacdooyinka maalinlaha ah, Falanqeyn, Xog iyo gorfeynta isbadalka Siyaasadda Soomaaliya, haddaba Rukumo wararka Guuxa Online si Computerkaaga iyo Moobeelkaaga laguug soo diro  Wararka adigoo kaliya ku dhufanayo Calaamadda Gaduudan ee shaashada Moobeelka ama Computerkaaga kaaga muuqato kadibna raacayo wadada rukumashada, waana lacag la’aan, sidoo kalana Like saar Pagekeena Facebook

 Fikirkaaga hoos noogu reeb iyo meesha danta u ah Shacabka iyo dalka adigoo isticmaalayo facebook-gaaga

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here