Sidi aan dhowr goor ku celceliyay siyaasi maahi sidaa darteed aad uma daneeyo dhagaysiga hadallada siyaasiyiinta. Hadba xiisadda kacsan iyo waxa laga doodayo waxaan kula kulmaa baraha bulshada, aad uguma mashquulo inaan ka faalloodo waayo maahan maaddo aan xiiseeyo. Laakiin waxaa dhacdo marar badan inaan arko hadallo si weyn loo faafiyay kuwaasoo saamayn xun ku yeesho shacabka maskaxdooda. Hadallada caynkaas ah waxay igu qasbaan inaan wax ka dhaho arrimaha taagan.

Middi ugu danbaysay ee na qabsatay ayaa ahayd hadalkii uu madaxwyne Farmaajo ka jeediyay shirka wada tashiga ee la xariiray sidii shabaab la isaga celin lahaa. Af-dhaajinti siyaasiyiinta meelaha waan ku arkayay laakiin kuma mashquulin inaan dhagaysto hadalka madaxweynaha iyo doodadda ka dhalatay waayo wax lagu mashquulo iilama muuqan.

Xalay fiidki goor aan wax qoranayay, xaajiyadunna ay dhagaysanaysay warar Soomaaliya, ayay igu tiri Jallee Farmaajo ma wanaajin inuu sidaas u hadlana maahayn. Marki aan kor u eegay wajigeeda waxaa ii muuqatay inay aad ooga niyad jabtay hadalka madaxweynaha, sababta niyad jabkuna yahay sida loo fasiray. Waxy noqotay inaan isa saaro laptopki si aan ula dhagaysto hadalka ugana qanciyo nuxurkiisa. Intaas ka dib waxaa ii muuqatay inay hooyooyin badan oo niyad san maskaxdooda lagu cayaaray niyad jab iyo walwelna lagu abuuray. Sidaas awgeed ayaan is iri inta aan kula joogin bal hadalka meesha uu ka nool yahay ha lala wadaago.

Hadalka ku saabsan in madaxweynuhu yiri dooni mayno askari mushaar ku shaqaynayo ee waxaan rabnaa dad bilaash ah ugu dhinto dalkooda, waa mid saxan ujeedkiisuna cad yahay. Waxa laga hadlayo maahan askariga mushaar la siin mahayo waayo mushaarku waa xuquuq aan gorgortan gali Karin. Maahan mid loo diidi karo ama lagu xujayn karo. Waxaa ka duwan qof ujeedka uu meesha u yimidba yahay inuu un lacag kaliya helo. Kaasi waxaa loo yaqaan calooshisa u shaqayste. Qofka noocaas ah dhimasho ma rabo waayo waqti waxa uu shaqaystay uu ku cuno ayuu rabaa, ujeedka meesha uu yimidna maahan difaac dal waa helidda xoogaa sandareerta ah.

Ciidamada dalkuna noocaas maahan in yar mooyee. Intaas qofki fahmi waayay siyaasi maahan ummadana inuu wax u sheego ma habboona. Laakin waxaa hubaal ah in iyagoo fahamsan waxa laga hadlayo ay si ku tala gal ah hadalka u qalloociyeen si ay danahooda ugu gaaraan.

Midka kaasi ka muhiimsan waa erayga uu madaxweynuhu isticmaalay ee “caqiido”. Waxaa u yiri askarteennu caqiido wadaninimo ma lahan ee waa inaan barnaa in haddii ay wadankooda u dhintaan ay janno galayaan sida shabaabba kuwooda u baraan. In janno la galo iyo in kale maahan arrin aadane sheegi karo. Waa ammuur qaybi ah Eebe kaliya  ayaana ka war hayo laakiin waxaa la noo sheegay sida lagu kasbado iyaduna wadaniyad ka mid maaha haddii aan raacno qaabka hadalka loo yiri. Balse waxaa ka mid ah in qofku isdifaaco, maalkiisa iyo reerkiisuna difaacdo, dhulkiisa lagu soo duulayna difaacdo taasi oo isgu imaanayso in shaqada ay hadda hayaan askarteennu sidaasi tahay, waase haddii niyad lagu daro.

Hasa yeeshee ma saxbaa in la yiraahdo askarteennu ‘caqiido’ ma leh? Haddase ma loo yeeli karaa caqiido? Waxaa is leeyahay erayka ‘caqiido’ kuma habbonayn jumladaan. Afsoomaligu waa luuqad faqiir ah sidoo kalana aan helin cid hormariso. Sidaa darteed waxaa aad ugu adag dad fagaarayaasha ka hadlo inay helaan erayo ku habboon waxa ay rabaan inay dhahaan. Taasi waa midda aan had iyo jeer u aragno madaxdeenna oo isticmaalayo afaf qalaad.

Caqiido waa eray loo isticmaalo arrin la xariirto diimaha. Waa arrin aad loogu kala qaybsanyahay. Dad badan oo kala caqiido ah ayaa dal ku wada noolaan karo wax bandanna ka dhaxayn karaan. Waxay noqon karaan muwaadiniin siman oo dalka wada difaacdo, waa arrin dhexdeenna caan ka ah. Ma dhici karto in la helo askar isku wada caqiido ah xagga diinta (waxan ka hadlayo caqiidada hoose ee kala qaybiso muslimiinta).

Laakiin waxaa la heli karaa askar iyagoo kala caqiiqdo ah u wada dhinta dalka iyo difaaca diinta. Sidee ku dhici kartaa? Wadamada galbeedka caqiido waxaa ooga dhigan aydhiyooloji. Waddan walbana waxaa ku wada nool dad kala aaminsan aydhiyooloji aad isu diidan hadana marki ay imaado danta wadanka waa ul iyo diirkeed. Sababta ayaa ah waxaa jiro wax kale oo mideeyo kaasoo lagu magacaabo ‘qiyam’ (values).

Qiyam waa eraygi uu jeeday madaxweynuhu sidaan isleeyahay waana midka u baahan in laga dhiso askarta iyo dhammaan bulshada guud. Qiyamku waa mid guda balaaran oo ay soo hoos galayaan dhaqanka, diinta iyo wax walba oo qiimo weyn noo leh. Waa waxa aan u taagannahay nolosheenana ka turjomayo. Nasiib darro maahan mid si fudud loo baran karo. Waa arrin u baahan in lagu ababiyo ilmaha dhashay, iskoollada lagu dhigo, masaajidda laga jeediyo goobaha shaqooyinkana lagu faafiyo.

Waa mid la rabo in laga arko hab-dhaqanka madaxda, culimada iyo aqoonyahanka. Waa mid haddii aan ku guulaysanno badali lahayd qabyaaladda. Hadda booska qiyamka waxaa noogu jiro qabiilka, sharafa kugu danbeeyo ee aan difaacanno waa qabiilka. Inta la helayo wax taasi badalana way adag tahay in la helo bulsho leh qiyam mideeyo.

Waxaan kusoo xirayaa qormadaan in guud ahaan hadalka madaxweynuhu khalad lahayn laakiin eray xulashadiisu aysan wacnayn. Madaxdu ha ogaadeen in erayada ay isticmaalayaan saamayn weyn ku leeyihiin bulshada guud iyo horumarka dalka. Waa in si dagan loo xushaa erayada lagu hadlayo si miisamanna hadalka loo dhigaa si loo yareeyo fursadda warxumo tashiilka.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here