Dowladnimadu waa nidaam iyo go’aammo ku saleysan sharciga, xeerarka iyo dhaqanka soo jireenka ah kana reebban isbarbaryaac iyo isqabqabsi.  Isbarbaryaaca iyo isqabqabsigu waa astaamaha ugu horeeya ee lagu garto dowlad xumida iyo fashilka dowlad wanaagga.  Xukuumadihii soo maray dalka 10kii sano ee la soo dhaafay waxaa wada saameeyey xasilooni darro siyaasadeed oo salka ku haysay khilaaf u dhaxeeya Xukuumadda iyo Madaxweynaha. Balse, Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre nasiib wanaag illaa hadda ma dhicin khilaaf dhanka Madaxweynaha tan iyo goortii la magacaabay. Laakiin waxa uusan ka badbaadin xasilooni darro siyaasadeed, nidaam xumo, karti la’aan dhanka waxqabadka, isbarbaryaac iyo isqabqabsi u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha, Hay’adaha, Wasiirada iyo saraakiisha sare ee dawladda.

Dhaqanka kala dambeynta, isixtiraamka iyo wadashaqeynta waa muraayadda lagu qiimeeyo madaxda iyo horumarka hay’adaha dawladda. Maadaama uu Ra’iisul Wasaaruhu yahay shaqsiga ugu sarreeya hay’adda fulinta, burburka nidaamka dowladnimo ee soo ifbaxay dhawaan wuxuu marqaati u yahay fashilka hoggaanka Xasan Khayre ee 8-dii bilood ee la soo dhafay.  Isbarbaryaaca iyo isqabqabsigu waxay salka ku haayaan hoggaanka sare oo ay ku habsatay karti xumo, go’aan xumo, iyo khibrad dowladnimo la’aan taas oo abuurtay jawi aan aheyn mid dawladeed sida ay Dr. Maryan Qaasin ku tilmaantay markii ay iscasishay 15-kii November iyadoo sabab uga dhigtay arrintaas.

Illo aan soo xiganay waxay noo xaqiijiyeen in xiligan uu yahay waqtiga ugu daran xukuumadda, marka la eego isqabqabsiga wasiirada iyo madaxda ee ka dhex socda gudaha wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda.   Isqabqabsiga iyo isbarbaryaacu kuma eka oo kaliya Wasiirada ee wuxuu kaloo saameeyey dhammaan mas’uuliyiinta sare ee dawladda.  Xubin sare oo ka tirsan Xukuumadda oo aan ka wareysanay arrintaan ayaa wuxuu ku soo gaabiyey hadalkiisi “Tanina Waa Noo Dhimaneyd”.

Labo sarkaal oo Wasaarado kala duwn ka shaqeeya oo aan hoos u wareysaney ayaa waxay faahfaahin naga siiyeen caqabadaha isqabqabsiga iyo isbarbaryaaca ee Wasaaradahooda khuseeya.  Waxay kaloo noo xaqiijiyeen in isqabqabsiga iyo isbarbaryaacu saameeyay 26-ka Wasaaradood oo midna aysan ka badbaadin.  Waxay kaloo noo caddeeyeen in Wasaaraduhu ay dhammaan fadhiid yihiin oo aysan shaqo ka socon isqabqabsiga iyo isbarbaryaaca baaxadda weyn awgiis. Sidoo kale, wasiiro dhowr ah ayaa muujiyay in ay ka quusteen Ra’iisul Wasaare Khayre maadaama uu isqabqabsiga iyo isbarbaryaaca badidiisa qeyb ka yahay, sidaa darteedna uusan go’aan ka gaari karin.

Sarkaal Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ka socda ayaa noo sheegay is Wasaaraddu aysan shaqeyn 4tii bilood ee la soo dhaafay tan iyo markii ay isku dhaceen Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka, Wasiiru Dawlaha, Xoghayaha Joogtada iyo Ra’iisul Wasaaraha oo qeybta ugu weyn ka ahaa khilaafkaas.  Saraakiisha Wasaaraduhu waxay naxasuusiyeen qaraalo isgarab socda oo waqtigaas ay kala qoreen Wasiirka, Wasiiru dawlaha iyo Wasiir ku-xigeenku kuwaas oo aad iyo aad u dhaawacay nidaamkii dawladnimo iyo sharaftii Wasaaradda. Sidoo kale isdarbaryaacii iyo khilaafkii waxay si toos ah u saameeyeen shaqadii iyo niyaddii shaqaalaha Wasaaradda. Waxaa dhaawac soo gaaray nidaaamkii iyo kala dambayntii Wasaaradda. Waxaa sidoo kale jahwareer galay wadashaqeyntii Wasaaradda iyo hay’ada kale gaar ahaan beesha caalamka oo shaqo badan kala dhaxeyso Wasaaradda.  Intaa waxaa dheer hawlihii iyo mashaariicdii Wasaaradda sida siyaasadda, federaalaynta, doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta oo hadda ku soo aruuray gacanta Ra’iisul Wasaaraha iyo Prof. Yaxye Cali Ibraahim oo La-taliyaha gaarka u ah Ra’iisul Wasaare Khayre ka dib markii shaqo joojin uu ku sameeyey Wasiirku. Prof. Yaxye oo ay qaraabo dhaw yihiin Ra’iisul Wasaaraha, wuxuu madax u yahay dhowr guddi oo uu Ra’iisul Wasaaruhu sameeyey sida gargaarka, abaaraha, musiibadii 14ka Oktoober, siyaasadda, federaalaynta, doorashooyinka iyo kuwa kale.

Sidoo kale, sarkaal Wasaaradda Maaliyadda ka shaqeeya ayaa inoo xaqiijiyey in Wasaaraddu aysan shaqeyn muddo dhan laba bilood oo qalalaase iyo isqabqabsi ka jiray Wasaaradda kaas oo u dhaxeeya Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka, Wasiiru Dawlaha, Xoghayaha Joogtada iyo Ra’iisul Wasaaraha oo qeybta ugu weyn ka ah khilaafkaas.  Sarkaaalku asagoo hadalkiisi sii wata wuxuu sheegay in wax wadashaqayn ah aysan ka dhaxeyn madaxda sare ee Wasaaradda, qoraalo badan oo isburinaya ay is dhaafsadeen, sidaa darteedna uu hakad weyn galay hawlihii Wasaaradda.

Isqabqabsiga ayaa salka ku haya arrimaha dhaqaalaha, canshuur aruuriska, dayn-dhaafka iyo bixinta qarashyada.  Sidoo kale, Wasaaradda Maaliyada waxaa intaa u dheer culeys dhanka Ra’iisul Wasaaraha oo gacan-dhaaf ku haya, ama faraha kula jira hawlaha Wasaaradda. Tusaale ahaan, waxaa uu ku qasbay in la soo mariyo qarashyada kan ugu yar iyo kan ugu weyn iyo dhammaan ogolaanshaha canshuur dhaafka. Wasaaradda oo ka mid ah Wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, lehna shaqaale fara badan, ayaa waxaa hoos u dhac ku yimid niyaddii, hamigii iyo waxqabadkii shaqaaalaha taas oo saameyn ku yeelanaysa dakhliga dawladda, dhaqaalaha dalka iyo xiriirka hay’adaha dhaqaalaha adduunka.

Saraakiisha noo warantay waxay kaloo ka dhawaajiyeen in isqabqabsiga iyo isbarbaryaaca baaxaddiisu weyn tahay, uuna noqday sida cudurka Kaankarada kaas oo kusii faafaya dhammaan hay’adaha dawladda.  Isbarbaryaacu kuma eka Wasaaradaha ee waxaa kaloo Kheyra sameeyey guddiyo fara badan oo laga garab abuuray Wasaaradihii iyo shaqsiyaad aan jago dawladeed ku magacawneyn oo haddana maamulaya dhaqaalihii, deeqihii iyo hawlihii dawladda.

Isbarbaryaacyada iyo isqabqabsiyadu waxay kaloo ka jiraan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ay ugu dambeysay fadeexaddii shirka Batroolka ee lagu waday in uu ka dhaco Nairobi. Arrintan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si toos ah ayuu u waday qabanqaabadeeda ee dhanka dawladda iyo Wasaaradda Batroolka, balse Madaxtooyada ayaa ka hortimid maadaama aan lala socodsiinin kolkii hore.  Fadeexadaas oo dhaawac gudaha iyo dibadaba u geysatay dawladda ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiru Dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullahi Xaamud iyo Prof. Yaxye oo ah La-taliyaha khaaska ee Ra’iisul Wasaaraha.

Arrimahaan isbiirsaday haddii aan ladaba qaban waxay horseedi karaan buruburka Xukuumadda iyo dowladnimada Soomaaliya.  Fashilka amniga, cadaaladda, horumarinta iyo dawladnimada waxaa aasaas u ah isdabayaaca iyo isqabqabsiga Xukuumadda. Waxaa cad in aan wax badan laga qaban karin haddii aan la helin Ra’iisul Wasaare iyo Xukuumad cusub. Waxaa looga fadhiyaa Baarlamaanka Soomaaliya in uu mas’uuliyadiisa guto oo uu badbaadiyo dalka iyo dadka inta fashilka Xukuumaddu uusan horseedin burbur nidaam iyo mid dawladeed.  Ugu danbeyntii, waxaa xaqiiqo ah in aan masiirka dalka lagu aamini karin Xukuumad ku sifowday #Isbarbaryaac iyo #Isqabqabsi, oo lumisay fursad aad u weyn oo taariikhi ah.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here