Isu socodka Puntland iyo Somaliland oo dib loo furay

0
55

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dib uu u furay isu socodka Maamulada Puntland iyo Somaliland, kadib 24-saac oo uu xayirnaa isu socodka.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la joojiyay dhaq dhaqaaqii u dhaxeeyay Somaliland iyo Puntland, marka laga reebo gaadiidka ay wataan Masuuliyiinta iyo Ciidamada.

Isla maanta gaar ahaan gelinkii dambe Guddoomiye Cumar Faraweyne wuxuu sheegay in xayiraadii isu socodka la qaaday, hadana ay isku socon karaan shacabka labada dhinac.

Wuxuu sheegay dhinacyo badan iyaga oo wax ka eegaya in ay ka laabteen go’aankoodii hore, oo ay ka mid yihiin in ay u turaan shacabka Soomaaliyeed, ee isticmaalaya wadada xiriirisa Laas-caanood iyo Garowe.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne go’aankii hore inuu ka laabto, ay ka dambeysay Madaxtooyada Puntland oo ku cadaadisay in aysan dhaqan geli karin xayiraada.

Xiisadda u dhaxeysa Labada maamul ayaa ka dhalatay Safarkii dhawaan Wasiirka Qorsheynta Dowladda Dhexe uu ku tagay degaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag, taasi oo sababtay in labada maamul uu dagaal ku dhexmaro degaanka Tukaraq, halkaasi oo uu ka dhashay dagaal sababay khasaare kala duwan.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY