Jawaari oo laga dalbaday inuu kala dhantaalo qorsho ay Muqdisho ka dhexwadaan Xildhibaano 

0
135

Sida aan kasoo xiganay mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia waxaa socda qorsho lagu doonayo in lagu kala dhantaalo qorsho ay magaalada Muqdisho kawadaan Xildhibaanada Mucaaradka.

Qorshahaan oo soo idlaaday intiisa badan ayaa waxaa si wada jira u waday Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Qorshahaan ayaa lagu doonayaa in lagu kala dhantaalo  Xildhibaanada mucaaradka ee u taagan dhibaato u abuurista dowlada Federaalka ah ee Somalia, kuwaa oo Muqdisho kawada isbaheysi.

Madaxweyne Farmaajo oo hadda ku sugan magaalada Garoowe ee maamulka Puntland iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Guddoomiye Jawaari ka dalbaday inuu ka shaqeeyo sida lagu qafiifin lahaa caqabadaha ay dowlada u maleegayaan Xildhibaanada mucaaradka.

Labada mas’uul waxa ay Guddoomiyaha ku wargaliyeen inay muhiim tahay in laga gudbo is hortaag lagu sameeyo howlaha dowlada sidaa aawgeed aysan suuragal aheyn in dalka loo horseedo dhibaato Siyaasadeed.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu Jawaari si gaara ugu wargaliyay inay qadarin gaara siinayaan Mucaaradka wax kusoo kordhinaaya dowlada, hase ahaatee aysan u dulqaadan doonin mucaarad wax burburinaaya dhankuu doonaba ha taabacsanaadee.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari ayaa si wada jira u rumeysan in laga gudbo Mooshino iyo waxyaabaha xiligaan caqabad ku noqonkara amniga dalka.

Dhinaca kale, Guddoomiye Jawaari ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaadan doono Xildhibaanada mucaaradka si ay u yaraato cawaaqiibta ay ku hayaan dowlada.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY