Gantaal Blastic ah ayaa lagu weeraray garoonka dayuuradaha King Khalid oo ku yaalla magaalada Riyadh ee caasimada wadanka Boqortooyada Sacuudiga sida ay goor dhow faafiyeen Wakaaladaha wararka caalamka qaarkood.

Kooxda Xuutiyiinta shiicada ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa sheegtay iney gantaal balaastic ah oo ridadiisu tahay meel dhexe ku weerareen garoonka dayuuradaha King Khalid ee Magaalada Riyadh.

Warbaahinta Sacuudiga oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan milateriga dalkaas ayaa sheegaya in gantaal laga soo ganay wadanka Yemen dhulka lagu soo dhigay duleedka magaalada Riyadh.

Sidoo kale warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegeysa in gantaalkan uu ku dhacay meel lama degaan ah uusana geysan wax khasaare ah.

Gantaalka lagu riday Magaalada Riyadh ayaa noociisu ahaaBurkan 2-H missile sida uu baahiyey telefishin ay leeyihiin kooxda Xuutiyiinta shiicada ah ee Yemen oo la sheego iney taageerto dowlada Iiraan.

Gantaalkaas ayaa isaga gooshi karo ilaa 800km, waana sababta keentay inay Kooxdaan la beegsato magaalada Riyadh.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Sacuudiga ayaa sheegay in kuwa soo riday Gantaalkaas aysan laheyn xirfad ku filan isla markaasna ay la beegsadeyn meel lama dagaan ah oo kamid ah garoonka Diyaradaha ee  King Khalid ee Magaalada Riyadh.

Kooxdan Xuutiyiinta ee dalka Yemen oo dagaal kula jira Isbaheysi milateri oo Sacuudigu hogaaminayo ayaa horey dhowr mar gantaalo noocan ah ku weeraray Sacuudiga inkastoo la soo riday dhamaantood wax khasaare ahna aysan geysan.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here