Korneel Dharbaaxay sii hayaha xilka Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Xaaladda oo meel xun mareyso

0
14451
Korneel Maxamed Daahir

Shabakadda Guuxa Online, Waa Shabakad ay ku midoobeen in ka badan 8 Wariye oo caan ka ah Soomaaliya, waxaadna ka heleysaa Xog, Falanqeyn, Dhacdooyinka Maalinlaha ah iyo halka ay ka haleysan tahay Siyaasadda Soomaaliya, Rukumo wararkeena si moobeelkaaga iyo Computerkaaga laguugo soo diro, adigoo ku dhufanayo Calaamada gaduudan ee kaaga muuqato Shaashadda, sidoo kalana Pagekeena Facebook Like saar adigoo mahadsan 

_____________________________________________

Taliye Maxamed Daahir oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa dharbaaxay sii hayaha xilka Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed  Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax.

Dharbaxaada uu Maxamed Daahir ku dhuftay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa timaaday kadib markii ay labadaan Mas’uul isku qabteen dad la doonayey in laga soo xir xiro Magaalada Afgooye, kuwaas oo looga shakisan yahay inay qeyb ka ahaayeen dadkii ka dambeeyey Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Korneel Maxamed Daahir

Sii hayaha Xilka Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed  Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa Maxamed Daahir ku amray inuu soo qabto rag la sheegay inay joogaan Afgooye, balse Maxamed Daahir ayaa arrintaas diiday, waxaana ka dhalatay muran keenay in la dharbaaxo Taliyaha Ciidamada Booliska.

Jen Mukhtaar

Markii uu falkaas dhacay Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa amray in lasoo xiro Taliye Maxamed Daahir oo isaga ah taliye qeybeed, waxayna arrintaas keentay inuu Maxamed Daahir iyo Ciidamo isaga taabacsan ay gudaha u galaan Xaafadda Shiirkole ee Magaalada Muqdisho maadaama uu kasoo jeedo Beesha Saleebaan oo halkaas dagto.

 

Taliye Maxamed Daahir ayaa ku hanjabay inuu is difaaco doono haddii la isku dayo in lasoo xiro, arrintaas oo dhalisay muran kale .

Taliye Maxamed Daahir ayaa heysto Ciidamo Boolis ah oo tiradooda lagu sheegay ku dhawaad boqol Askari kuwaas oo uu isaga si gaar ah u maamulo kuna shaqeeyaan amaradiisa.

Xogta ay heleyso Shabakadda Guuxa Online ayaa sheegeyso in ragga la amray in lasoo xiro ee uu diiday Taliye Maxamed Daahir inay kasoo jeedaan Beesha Habargidir, sidaas darteedna uu Maxamed Daahir ku diiday inuu soo qabto dadkaas maadaama uu kasoo jeedo Habargidir/Saleebaan.

Wixii Warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

http://guuxa.com/2017/11/16/warbixin-shaacisay-arrimo-ay-ku-kaceen-ciidamada-df-ee-abgaal-iyo-habar-gidir/

http://guuxa.com/2017/11/16/al-shabaab-oo-qax-ka-ah-gobolka-shabellaha-hoose-ciidamada-df-oo-bilaabay-taatiko-cusub/

http://guuxa.com/2017/11/10/yaa-ka-dambeeya-fariimaha-digniinta-amniga-ah-xaambarsan-oo-shacabka-lagu-argagax-galinayo/

Fiiro Gaar ah: Warbixintaan waxay u gaar tahay Shabakadda Guuxa Online, lama isticmaali karo Xigasho la’aan, haddii kale Shirkadda Copyright Millennium Act oo aan ka diiwaangashanahay ayaan kugu dacweyn doonaa!! 

Shabakadda Guuxa Online ayaa akhrsitayaasheeda u ballan qaadeyso inay usoo gudbin doonto wax kasta oo ku soo kordha Siyaasadda Soomaaiya, Dhacdooyinka maalinlaha ah, Falanqeyn, Xog iyo gorfeynta isbadalka Siyaasadda Soomaaliya, haddaba Rukumo wararka Guuxa Online si Computerkaaga iyo Moobeelkaaga laguug soo diro  Wararka adigoo kaliya ku dhufanayo Calaamadda Gaduudan ee shaashada Moobeelka ama Computerkaaga kaaga muuqato kadibna raacayo wadada rukumashada, waana lacag la’aan, sidoo kalana Like saar Pagekeena Facebook

 Fikirkaaga hoos noogu reeb iyo meesha danta u ah Shacabka iyo dalka adigoo isticmaalayo facebook-gaaga

 

 

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY