Lix Dulaal oo u dhashay Habar Gidir oo loo adeegsanayo in lagu dumiyo isla Habar Gidir

0
4734

Shabakadda Guuxa Online, Waa Shabakad ay ku midoobeen in ka badan 8 Wariye oo caan ka ah Soomaaliya, waxaadna ka heleysaa Xog, Falanqeyn, Dhacdooyinka Maalinlaha ah iyo halka ay ka haleysan tahay Siyaasadda Soomaaliya, Rukumo wararkeena si moobeelkaaga iyo Computerkaaga laguugo soo diro, adigoo ku dhufanayo Calaamada gaduudan ee kaaga muuqato Shaashadda, sidoo kalana Pagekeena Facebook Like saar adigoo mahadsan 

_____________________________________________

Dowladda ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Xasan Khayre ayaa adeegsanaysa lix dulaal oo ah Habar Gidir, Dulaaladaan ayaa loo adeegsanayaa in lagu dumiyo Dowladda Galmudug iyo in lagu dabro horumarka iyo hanka beeshu ka leedahay xukunka dalka, waxeey kala yihiin

1 – Liibaan Shuluq oo Sacad ah wuxuu ahaan jiray Alshabaab, wuxuu mar dambe noqday xubin ka tirsan Damal jadiid, wuxuu ahaa gacanyarihii C/kariin Xuseen Guuleed, wuxuu si aan horey loo arag u musuqmaasuqay doorashadii 2016 oo uu wakiil kaga ahaa C/kariin Xuseen Guuleed, haatan waa ninka loo dhiibay dhaqaalihii lagu burburin lahaa Galmudug. wixii kharash ah ayaa Xasan Khayre wuxuu ku amray Taabid Cabdi inuu ka bixiyo miisaaniyadda gobalka Benaadir.

2 – Cabdikarin Khaliif Dhalac wasiir ku xigeen Xannaanada Xoolaha wuxuu u dhashay Sacad, wuxuu si qaas ah ugu shaqeeyaa Farmaajo, wixii loo diro ayuuna qabtaa, hadii lagu yiraahdo soo dil walaalkaa wuu soo dilayaa, shaqooyinka uu qabto waxay u badan yihiin kala furfurka beeshiisa.

3 – Axmed Qoorqoor wuxuu u dhashay Saleemaan, muddo yar ka hor wuxuu ku noolaa baadiyaha Cadaado, wuxuu Xamar soo galay 2005, kadibna Shiikh Shariif ayaa u magacaabay ku xigeenka dekedda, halkaas ayuuna lacag badan oo xaaraan ah ka sameeyey, wuxuu qiyaanay Shariif wuxuuna ku biiray Damal Jadiid, wuxuu hadda qabtaa wax kasta oo jallaafo ah oo uu u dirsado Xasan Khayre.

4 – Maxamed Saciid Cali (Abtidoon Yare) waa Saleebaan, waa xildhibaankii dhacay kursiga ay lahayd gabadhii la oran jiray Caasha xaaji Cilmi, waxaana kursigaa xoog ugu fariisiyey Xasan Shiikh iyo C/kariin Xuseen Guuleed, wuxuu ahaa dhallinyaradii Simad ee ku biirtay Shabaabka laakiin isaga baxay oo galay Damal Jadiid, waa ninka Dowladdii Xasan Shiikh ay ka iibisay hoteelka SYL, hoteelka inaan laga ceshan awgeed wuxuu ka ag dhawaaday horjoogayaasha Muqdisho, Abtidoon wuxuu kaloo kula heshiiyey Xasan Khayre in uu u haynayo Xildhibaano badan oo degan Hotel SYL. Labadooda waxaa ka dhexeeyay heshiis wada shaqeyn oo dhow, waagii Abtidoon Yare uu ahaa agaasimaha wakaaladda shidaalka Galmudug oo C/kariin u magacaabay ayaa Khayre uu ku soo xiray dulaaliin reer Norway ah. Wali waxey labadoodu shirko ku yihiin arimaha bixinta leysinada shidaal qodista oo toos uu weli gacanta ugu hayo Khayre.

5 – C/xakiin Macallin Axmed wuxuu u dhashay Cayr, wuxuu ka mid ahaa Damal Jadiid waana gacanyarihii C/kariin Xuseen Guuleed, ka hor wuxuu ahaa wakiilka xawaalada Juba ee Suudaan, wuxuu ahaan jiray wasiirkii gaadiidka cirka iyo dhulka galmudug isagoo intaas rajo ka lahaa dallaalnimo iyo ku daneysi kursi walina waddadii ayuu ku taagan yahay, wuxuu dalaal ka ahaa howlihii doorashada ee ka dhacday Galmudug, wuxuu la heshiiyey Khayre kadib markuu Arkey in Mahad Salaad ku jiro mucaaradka dowladda, wuxuu hadeer la shaqeeyaa xildhibaanada taageersan Farmaajo waxaana xanaaneeya oo hayo xildhibaan Saciid Nur Giriish,

6 – Saciid Nuur Girish wuxuu u dhashay Cayr, waa milkiilaha Juba Airways, wuxuu daba joogaa booska Yuusuf Garaad oo isaga iyo niman kale oo ganacsadayaal Cayr ah ay doonayaan in lagu wareejiyo si ay ugu shaqaystaan xilka dowladeed, wuxuu heshiis hoosaad la galey Khayre in uu bixiyo dhaqaalaha looga hortagayo mucaaradka iyo qaasatan sidii lagu burburin lahaa Waxgaradka iyo Ganacsatada Beesha Habargidir isagoo dantiisu ay tahay in aan laga taaban lacagta xaqdarrada ah ee kasoo gasha xajka halkaasoo sanadkii ugu dambeeyay uu ka faa’iiday adduun dhan 8 milyan oo doolar, wuxuu aad uga agdhaw yahay Khayre oo ka balan qaaday inuu ku wareejinayo shirkadii Somali Airlines.

Dhamaantood waa dulaaliin daneysato ah, waxay raadinayaan xoolo ay ka dhacaan dowladda, wax dan ah kama lahan hadii ay dowladda shaqeyso iyo hadii kale, waxaa uun ay doonayaan dulaalnimo ay wax ku helaan.

W/Diyaariye

Axmed Ciise Xasan
Muqdisho Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Guuxa Online. Guuxa Online, waa Website u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir maqaaladaada guuxaonline@gmail.com

Shabakadda Guuxa Online ayaa akhrsitayaasheeda u ballan qaadeyso inay usoo gudbin doonto wax kasta oo ku soo kordha Siyaasadda Soomaaiya, Dhacdooyinka maalinlaha ah, Falanqeyn, Xog iyo gorfeynta isbadalka Siyaasadda Soomaaliya, haddaba Rukumo wararka Guuxa Online si Computerkaaga iyo Moobeelkaaga laguug soo diro  Wararka adigoo kaliya ku dhufanayo Calaamadda Gaduudan ee shaashada Moobeelka ama Computerkaaga kaaga muuqato kadibna raacayo wadada rukumashada, waana lacag la’aan, sidoo kalana Like saar Pagekeena Facebook

Fikirkaaga hoos noogu reeb iyo meesha danta u ah Shacabka iyo dalka adigoo isticmaalayo facebook-gaaga

 

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY