Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Oo aan ka Qeyb Galeynin Shirka Dhuusamareeb.

0
26

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubalan ayaa ku dhawaaqay inuu ka baaqanayo ka qeyb galka shirka lagu mideynayo maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ee ka dhacaya magaalada Dhuusa-mareeb, kadib qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

Wuxuu sheegay sababta uu ku baaqanayo in ay tahay shaqooyin muhiim u ah Maamulkiisa Jubaland oo uu ka qabanayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madooobe ayaa sidoo kale waxyaabaha baajiyay safarka uu ku tagi lahaa Magaalada Dhuusa-mareeb, waxa uu ku sheegay iney qeyb ka tahay safarro uu ku soo kala bixinayo qeybo ka mid ah degaanada uu ka arimiyo maamulkiisa ee kala ah Gobolada Jubada Hooe iyo Gedo.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Jubbaland inuu soo dhaweynayo Heshiiska lagu mideynayo labada maamul, isagoo tilmaamay inuu yahay mid dhabaha u xaarayo daganaan Siyaasadeed iyo Hormar Gobolka oo sii socdo.

Dhanka kale Warar kale oo KNN ay heleyso ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland Madaxweyne Gaas uu maanta ka baaqan doono ka soo qeyb galka shirka lagu mideynaayo Galmudug iyo Ahlusuna, Gaas ayaa qorsheystay inuu Dhuusa-Mareeb ku tago diyaarad gaar ah oo ay Qaramada Midoobey leedahay, balse waxaa dhacay Khilaaf la xiriiray baaris la doonayay in Madaxweynaha iyo agabkiisa lagu sameeyo.

Shaqaalaha diyaarada Qaramada Midoobey ayaa iska diiday in Wafdiga Gaas ay raacaan diyaarada iyadoo aan la baarin, waxaana Garoonka ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo mudo kooban ka jiray buuq arinkaas ka dhashay oo markii dnabe xal loo waayay.

Madaxweynaha ayaa ogolaaday in la baaro ilaaladiisa, lagana reebo diyaarada hubka ay doonayeen iney ku dhex qaataan balse aysan suura gal eheyn in la baaro Boorsooyinka Madaxweyne Gaas iyo masuuliyiinta sarsare ee la socota.

Xubnaha diyaarada watay ayaa usheegay in diyaaradaha UNSOM aan la raacin iyadoon aan la baarin dadka raacaya xilkee doonaan ha hayaane, lagana doonayo Gaas iyo wafdigiisa iney ogolaadaan baaritaanada ay marayaan, maadaama ay ku jirto malsaxada guud ee dadka diyaarada saaran.

Bishii December ee sanadkii tagay 2017 magaalada Muqdisho waxaa heshiis ku kala saxiiday Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna, heshiiskaasi waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY