Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda Gaaraan magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xubno ka tirsan golaha Wasiirrada ee xukuumadda ayaa ku wehlin doona Safarkiisa, iyadoo la filayo in uu Ra’iisul wasaaruhu la kulmo inta uu Baydhabo joogo xubnaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ee Mooshinka ka waday Shariif Xasan Shiikh Aadan, kuwaas oo uu kala hadli doono in arrintaas ay dhibaato ku tahay dagaalka Shabaab looga saarayo gobollada dalka.

Safarkiisa qeyb waxaa ka ah in uu ka dhaadhiciyo Xildhibaannada Mooshinka wada in ay ka laabtaan, sidoo kale wuxuu booqan doonaa goobaha ay ku suganyihiin ciidanka Dowladda ee diyaar garowga Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ka wada Gobolka Baay.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socota munaasabad lagu soo dhoweynayo Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, wuxuuna Safarkiisu imaanaya xilli uu madaxda maamulka Koofur Galbeed Toddobaadkii hore ugu baaqay in ay u guuraan Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee Maamul Goboleedka.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here