Ka hor inta aan ka hadlin mucaaradka Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre, marka hore Mudane Kheyre waxa aan u arkaa in uu yahay, qof aan ku habboonayn xilkan. Marka aad fiirsato xukuumaddiisa iyo sida uu asaga shaqada u wado, waxaa kuu soo baxaya in ninkan uu meesha waxba ku hayn.

Kheyre waxa uu soo dhisay xukuumad aan tayo lahayn, oo aad u tira badan. Haddana qaar ka mid ah wasiiradiisii ayaa is casilay kadib faragalin dhanka maamulka ee ay kala kulmeen Kheyre iyo isbarbaryaac dhanka shaqada ah. Kheyre ma ahan nin shaqada u madax banneeya wasiirada, oo wasiiradiisa.

Haddii aan halkaas uga soo gudbo sida aan Kheyre u arko ra’yi ahaan, waxaa jira mucaarad badan ee ka soo hor jeeda RW Kheyre.

Mucaaradka Kheyre waxay u kala baxaan;

– Mucaarad Kheyre ku mucaaradsan sida uu maamulkiisa shaqada u wado. Kuwani qabyaalad kuma salaysna mucaaradnimadooda, waxaana ay isugu jiraan qaar Kheyre ku qabiil ah iyo kuwa kale.

– Mucaarad Kheyre ku diidan qabiilnimo. Kuwani waxa ay diidanyihiin ninkan kursiga ku fadhiya. Waxa ay doonayaan in ay ka kacsadaan kursiga.

Haddaba kuwan dambe ayay u badanyihiin mucaaradku. Sababtoo ah waxaa ku jira kuwani qaar madaxwayne Farmaajo taageersanaa, laakiin markii uu Kheyre ka dhigay RW, dawladda ayay mucaaradnimo ku bilaabeen. Maxaa yeelay waxa ay filayeen nin ayaga ku qabiil ah in RW la ga dhigo. Qoladan waxaa ku jira; Xildhibaanno, siyaasiyiin xilal hore soo qabtay, iyo kuwa kale. Qolooyinkan marnaba ma doonayan in Kheyre uu maamulka sii hayo. Mucaaradnimadooda kuma salaysna aragti iyo aqoon. Kaliya ninkaas in uu meesha ka baxo ayay rabaan.

Mucaaradka nuucaan ah waxaa ku jira rag ka tirsanaa maamulki hore ee dawladdii Xasan Shiikh. Waa rag wasiiro soo noqday. Tusaalaha ugu fudud in ay raggani mucaaradnimadooda tahay qabiilnimo waxaa kuu caddaynaya; marka laga hadlayo kiiska dhiibistii Qalbidhagax, waxa ay ku tilmaamaan in ay tahay QIYAANO QARAN. Raggani golaha shacabka doodahoodii ay ka jeediyeen ayay sidaas ku sheegeen. Raggani waxa ay hilmaansanyihiin dawladdii ay qaybta ka ahaayeen, in madaxwaynahoodii mudane Xasan Shiikh uu tegey Jigjigo. Kaliya Jigjigo ma uusan tagine waxa afkiisa ka soo baxay hadallo runtii niyad jab ku noqday qof walba oo Soomaaliyeed.

Waxa uu baadil ku tilmaamay dagaalkii 77 ee Itoobiya iyo Soomaaliya dhex maray, dagaalkaas oo ujeedkiisa ahaa in lagu xureeyo dhulka ay Itoobiya naga haysato. Raggii dagaalkaas ku dhintay dhiigooda waa khasaaro. Haddaba Xasan Sheekh markuu falkaas sameeyay way aamusnaayeen ragga maanta ku qaylinaya in dhiibista Qalbidhagax tahay qiyaano qaran. Raggaasi maanta waddaniyiinta iska dhigaya shalay xaggee jireen? Maxay shalay ugu diidi waayeen falkii uu Xasan sameeyay? Maxaa kalifay in ay ka hadlaan qadiyadda Qalbidhagax ayadoo qadiyad ka adag uu ku dhacay Xasan Sheekh oo ay ka aamusnaayeen?

Waxaa kaloo jira dhallinyaro baraha bulshada isticmaala oo waxbartay, balse haddii aad u fiirsato raggaas siyaasiyiinta ayaa ka dhex hadlaya. Dhallinyarada qaabka qabiilnimada Kheyre ku mucaaradsan waxa ay la qaylinayaan, waxay doonayaan nin ayaga ku qabiil ah inuu RW noqdo.

Tusaale kale oo nool; gacan ku dhiiglihii dilay wasiir Siraaji, ma arkaysid mid ka mid ah mucaaradkan oo u doodayaan in cadaaladda la marsiiyo dambiilahan, sidaas in ay falaan iska daayee waaba ay difaacayaaan. Sababtoo ah gacan ku dhiiglaha ayaa ku qabiil ah. Shirar waawayn ayaa magaalada ka dhacay, Hoteeladii magaalada shirar ayay la ciirciirayeen, intaas waxaa shirar loo qabanayey in la difaaco gacan ku dhiig laha. Ilaahay baa idinku dhaarshee askari maskiin ah oo baabuur dabada ka saarnaa, goormee sidaan dhan beelwayntii uu ugu noqday sidii nin madax ah? Askarta ilaalada u ah madaxda, dayac iyo daruuf ayay madaxdooda kula shaqeeyaan. Haddii mid dhinto, waalidkiisa ayuu ka dhintay qof kala jecel ma leh. Haddaba xagee ka timi sheekadan ah, in askari daba-ka-fuul ah ay beel dhan ay difaacdo oo ay shirar u qabato, ayadoo ninkani uu yahay dambiile maxkamad xukuntay.

Waxyaabaha tooshka ku sii ifinaya arrinkan waxa ka mid ah; siyaasiyiinta mucaaradka ah, ee badanaa saxaafadda ka hadla, ama baraha bulshada, waxay u badanyihiin hal beel. Haddii uu arrinkan run ahayn maxaa loo heli waayay siyaasiyiin la miisaam ah siyaasiyiintan, oo haddana dawladda taageersan?

Gunaanadka qoraalkayga waxaan ku soo xirayaa, aniga sida aan uga soo horjeedo nidaamxumada RW Kheyre, ayaan sidaas oo kale u ga soo horjeedaa mucaaradnimada qabyaaladda ku dhisan iyo kuwa sunta qabyaaladda quluubtoodu ay fadhiisatay.

W/Q: Sakariye Cabdixaliim Maxamed.

Email: zakicade92@gmail.com

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here