Nin Middi ku hubeysnaa oo lagu dilay iridda xafiiska Madaxweynaha Iraan

0
73

Ciidanka Ilaalada Madatooyada Dalka Iraan ayaa goordhow toogtay Nin middi ku hubeysan oo galay madaxtooyada  Dalka Iraan,halkaas oo uu ku suganyahay Madaxweynaha Dalkaas Xasan Ruuxaani.

Ninka ayaa ku guuleystay in uu dhaafo waardiyaha 1aad ee Xafiiska Madaxweynaha kaddib markii uu dhaawac u geystay,hayeeshee waxaa toogtay waardiyaha 2aad oo qeylada waardiyaha 1aad maqlay.

Guddoomiye ku xigeenka Tehran ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Faris in Ninka uu isku dayay in uu galo xafiiska Madaxweynaha ku shaqeeyo laakiin ay ilaalada ka hor tageen.

Guddoomiye ku xigeenka ma sheegin in xilligaas Madaxweyne Ruuxaani ku jiray Qolka uu Ninka isku dayay in uu weeraro,sidoo kale saraakiisha amaanka ayaa ka gaabsaday in ay ka warbixiyaan sida Ninkan marka horeba ku galay Madaxtooyada.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY