Qarax xoogan ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Qaraxa oo aad u cuslaa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu lahaa Gudoomiye ku-xigeenka Magaalada Gaalkacyo, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta maamulka.

Qaraxa ayaa dhacay xili Mas’uulkaasi uusan saarneyn gaariga, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah Ilaaladiisa.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha Ammaanka in ay wadaan baaritaano la xariira Qaraxaasi oo iminkaba loo hayo ilaa laba Ruux.

Dhinaca kale, Burbur xoogan ayaa soo gaaray gaariga waxaana sidoo kale Qaraxa lala damacsanaa Guddoomiye ku-xigeenka.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here