Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo la kulmay Dhaawacyadii lagu daweeyey Turkiga.

0
166

Tobonaan qof oo ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe 14-kii Oktoober sanadkii tagay 2017-dii, laguna soo daweeyey Magaalada Ankara ayaa La kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Waxa ay ugu mahad celiyeen dadaalkii ay u sameeyeen oo ah in ay la tacaalaan Dhaawacyadii soo gaaray, waxayna sheegeen in Xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay.

Wargeyska Turkpress oo daabacay warka ayaa sheegay In Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgen Baker uu la kulmay dadkaan Dhaawacyada qaba ee dalkooda dib ugu soo laabtay, kadib markii lagu soo daweeyey Magaalada Ankara.

Danjire Bakar oo qaatay hadalka inta Soo Dhaweynta dhaawacyada lagu guda jiray ayaa tibaaxay in ay sii wadi doonaan garab istaagga dadka Soomaaliyeed, ayna ka qeyb qaadan doonaan howlaha dib udhiska ah ee Soconaya.

Siteeyni Aadan Muuse oo kamid aheyd dadkii dhaawacyada qabay ee lasoo dhaweeyey ayaa iyane sheegtay in ay heleen adeegyo kala duwan oo dhanka Caafimaadka ah intii lagu guda jiray howlaha lagu baxnaaninaye.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Wasaaradda Caafimaadka Dalkaasi ayey ugu mahad celisay si ay ugu dadaaleen kasoo kabashada Dhaawacyadii soo gaaray.

“Ma hilmaami karto, mana gudi karno abaarka ay noo galeen Turkiga, Ka sokoow Alle waxa ay badbaadiyeen Nolosheena, Taasina waa doorka wanaagsan ee kawada dhaxeeya Labada Shacab” ayey Sii raacisay Siteey Aadan.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee la geeyey Magaalada Ankara waxaa garoonka diyaaradaha iyo Xarumaha loo diyaariyey in lagu daweeyo ku sugnaa Shacabka Turkiga.

Taasina waxay dhiira-gelin u noqotay dadkii dhaawacyada ahaa, iyagoona sii helay Daweyn iyo Garab istaag illaa inta ay kasoo kabsadeen Dhaawacyadii ay qabeen.

Qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho waxaa ku nafwaayey dad kor u dhaafay 500, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa kabadan.

Dadka dhaawacmay marka laga reebo tiro kooban oo gudaha dalka lagu daweeyey, waxaa inta badan loo qaaday Dalalka, Turkiga, Kenya, iyo Sudan.

Waxaana jiray Dowlado Dawooyin ku yaboohay oo ay kamid yihiin: Mareykanka, Itoobiya, Jabuuti, Imaaraatka iyo dalal kale.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY