Sawiro: Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Muqdisho soo gaaray (Sabab?)

0
368

Waxaa maanta gelinkii dambe Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Casir iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee maamulkaas.

Safarka ay mas’uuliyiintaan ku imaadeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sabab u ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo casuumaad u sameeyey si arrinta Galmudug loogu dhameeyo wadahadal.

Shabakadda Guuxa Online ayaa maanta idinla wadaagtay xogk u saabsan inay Mas’uuliyiintaan Xamar kusoo wajahan yihiin Berri, waxayna maanta kasoo dageyn Magaalada Muqdisho kadib markii ay dowladda u dirtay Diyaarad Khaas ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa Mas’uuliyiintaan dajisay meel ay u diyaarisay, waxaana la filayaa inay dhawaan ka qeyb galaan kulan uu Madaxweynaha hoggaaminayo oo loo qaban doono madaxda Galmudug ee is khilaafsan.

Haddaba Halkaan hoose ka akhriso Shabakadda Guuxa Online saakay xilli hore idinla wadaagtay xogtaas:

http://guuxa.com/2017/10/28/madaxweyne-ku-xigeenka-iyo-guddoomiyaha-baarlamaanka-galmudug-oo-berri-xamar-kasoo-dagayo-iyo-arrin-cusub-oo-soo-korortay/

Shabakadda Guuxa Online ayaa akhrsitayaasheeda u ballan qaadeyso inay usoo gudbin doonto wax kasta oo ku soo kordha Siyaasadda Soomaaiya, Dhacdooyinka maalinlaha ah, Falanqeyn, Xog iyo gorfeynta isbadalka Siyaasadda Soomaaliya, haddaba Rukumo wararka Guuxa Online si Computerkaaga iyo Moobeelkaaga laguug soo diro  Wararka adigoo kaliya ku dhufanayo Calaamadda Gaduudan ee shaashada Moobeelka ama Computerkaaga kaaga muuqato kadibna raacayo wadada rukumashada, waana lacag la’aan, sidoo kalana Like saar Pagekeena Facebook

Fikirkaaga hoos noogu reeb iyo meesha danta u ah Shacabka iyo dalka adigoo isticmaalayo facebook-gaaga.

 

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY