Sidee C/raxmaan C/shakuur uga hadlay Xilka ka qaadistii Thaabit & Ujeedka MD Farmaajo & Kheyre?

0
337

Siyaasi C/raxmaan C/shakuur ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay is bedelka ka dhacay maamulka Gobolka Banaadir iyo Xilka ka qaadista ay madaxtooyada Soomaaliya ku sameysay Guddoomiye Thaabit.

C/raxmaan C/shakuur oo Mucaarad ku ah Dowladda ayaa ku tilmaamay xilka qaadista la sameeyay iyo shaqsiyaadka la magacaabay marka la eego inuu shidaalka ku yar yahay Gaariga inta u lagu aamini karana ay yartahay.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Facebook uu soo dhigay:-

Gudoomiye Taabit, Wasiir Juxa, Wasiirad Maryan Qaasim iyo Sanbalooshe inkastoo aan kala aragti duwanayn, hadana waxay ahaayeen shakhsiyaad kooban ee aragti iyo ra’yiga madaxbanaan leh ee kacaanka 8 Febraayo la jaanqaaday. Qaabkii xilka looga qaaday, laguna magacaabay dhalinyaradii xafiiska Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha kal kaaliyaasha ka ahaa waxay tusmo u tahay 1- In shidaalka gaariga ku harsan uu aad u yaryahay, inta lagu aamini karo furahiisana ka sii yaryihiin.

Waxay kaloo daliil u tahay in Xilalka banaan, sida Wasiirada, Taliyayaaasha, Safiirada, Agaasimayaasha loo heli doonin dad la aamino karo oo ay madaxdu ku kalsoonaan karaan.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY