Taxanaha Maxaabbiistii Dagaalkii 77 – Taariikh koooban

0
86

Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa dhex maray dagaal qaraar oo billowday sannadkii 1977.  Waxay ahayd xilligii dunida uu ka jiray dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay Midowga Soofiyeeti iyo xulufadiisa oo dhinac ah iyo reer Galbeedka oo uu hoggaaminayay Mareykanku.

Inkasta oo marka uu dagaalku billaabanayay ay labada dhinacba gacan saar la lahaayeen iskuna halleynayeen Midowga Soofiyeeti, haddana Ethiopia waxaa uga horreeyay Mareykanka oo muddo dheer tababbaray ciidankeeda hubeynayayna.

Isbeddel ka dhacay Ethiopia 1974 ayaa taas soo af jaray oo Ethiopia waxay ku biirtay xulafada Midowga Soofiyeeti.

Dagaalkii 1977 oo ahaa mid aad u kulul, waxaa Soomaaliya ciidankeedu xoog ku galay dhulka Soomaalida Ethiopia iyo weliba degaanno kale oo aan hadda ka tirsaneyn Gobolka.  Ciidanka Ethiopia oo kaashanaya hub culus oo Soofiyeetigu ku soo daad gureeyay iyo ciidan xooggiisu ka yimid dalka Cuba iyo Yementa Koofureed ayaa dhimay xawaaraha uu ku socday ciidanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Midowga Soofiyeeti ayaa amar ku bixiyay, ficil ahaanna xaqiijiyay oo dib ugu soo celiyay ciidanka Soomaaliya soohdintooda.

Soofiyeetigu inkasta oo uu ciidankiisa keenay goobta dagaalka, haddana isagu toos ulama dagaallamin ciidanka Soomaaliya.  Dagaalkaas waa lagu hoobtay labada dhinacba.

Soomaaliya ciidankeedu wuxuu ku soo laabtay soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Ethiopia.

Sida cinwaanka taxanaha ka muuqata, ujeeddada qormadeydu ma ahan in aan ka hadlo dagaalkii 1977 faahfaahintiisa iyo lafagurkiisa.  Waxay qormadeydu ku kooban tahay maxaabbiista dagaalka. Weliba waxaan ka hadli doonaa kaalin aan anigu shakhsiyan ka qeyb qaatay 10 sano ka dib markii uu dagaalku dhammaaday. 77 waa 1977 oo aan soo gaabiyay.

Maxaabbiis iyo Maqanayaal

Ciidanka Soomaaliya waxaa uu la soo noqday dhowr kun oo maxbuus oo Ethiopian ah oo uu gacanta ku dhigay intii dagaalku socday.  Waxaa wehliyay hal duuliye oo Cuba u dhashay oo isagana ay soo qabteen ka dib markii ay soo rideen dayaaraddiisii dagaalka.

Waxay isugu jireen militeri iyo shacab sida ay ku doodeen.

Laakiin ciidanka Soomaaliya, midkii aan soo laaban waxaa looga talo galay in uu dhintay.  Inkasta oo ay ciidanka Soomaaliya maxbuus ahaan u soo qabteen dhowr kun oo Ethiopian ah, haddana, marnaba talada laguma darin in uu jiro askari Soomaaliyeed oo gacanta u galay ciidammada Ethiopia in nolol lagu heyn doono oo xabsi la geyn doono.

Cadaawadda labada dal u dhexeysay iyo Ethiopia waxay mareysay meel xun.  Ethiopia waxay u arkaysay in Soomaalidu ay gardarro ugu soo duushay dalkeeda, dhimasho aad u badan, dhaawac ka sii tiro badan iyo burbur weyna ay u geysatay. Sababahaas iyo qaar kale dartood, Soomaalidu waxay iska dhaadhicisay in aan Ethiopia xabsi dhigi doonin haddiiba ay askari Soomaaliyeed dagaalka ku qabato.

Qofkii aan ka soo noqon waxaa looga talo galay in uu dhintay.

Ragga qaar waa la dhaxlay, xaasaskoodana waa la guursaday.  Carruurtoodii agoon ahaan ayaa looga talo galay loona koriyay.

Waxaa markiiba muhiim noqday xeerar caalami ah oo xilliyadaas oo kale la miciinsado.  Waa Axdiga Geneva oo xilliyada dagaalka la adeegsado.

Nasiib wanaag waxay labada Dowladoodba ay ka mid yihiin dowladaha saxiixay Axdiga Geneva ee soo baxay 1949, oo ah xeerarka caalamiga ah ee xilliyada dagaalka ay tahay in loo hoggaansanaado.

Axdiga Geneva ee 1949

Axdiga Geneva wuxuu soo baxay sannadkii 1949.  Soomaaliya waxay saxiixday  02 Luulyo 1962.  Waa laba sano ka dib markii ay xorriyadda qaadatay.  Ethiopia waxay iyadu xubin ka noqotay 02 Oktoobar 1969.

Xeerarkaas oo ka kooban afar xeer oo waaweyn, mid ka mid ah oo ah Xeerka Saddexaad ayaa qeexaya Dowladaha heshiiska saxiixay, sida ay tahay in ay ula dhaqmaan haddii ay qof dagaal ku qabtaan oo ay maxbuus ahaan u kaxeystaan.

Waxaa ka mid ah qofka isaga oo hubeysan oo dagaallamaya la qabtay, kan dagaallamayay laakiin markaas aan dagaalka qeyb ka ahayn ama aan ka qeyb qaadan karin sida kan is dhiibay, dhaawaca iyo bukaanka.

Xuquuqda maxaabbiista uu siinayo Axdiga Geneva, oo ah kuwo badan, haddana si waafi ah u qeexan, ayaa waxaa ka mid ah in maxbuusku uu akhbaartiisa u diri karo qoyskiisa iyo in ay tahay in qoyskiisu akhbaarta ay u soo diraan la soo gaarsiiyo iyada oo dabcan loo marayo dariiq daalacan oo uu heshiisku qeexayo.

Siyaad iyo Mengistu

Labada Hoggaamiye ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre iyo Ethiopia, Gaashaanle Sare Mengistu Haile Mariam oo ahaa niman ay ayaga taladu gacantooda ugu jirto, waxay oggolaadeen in ay u hoggaansamaan Heshiiska Geneva ee dalalkoodu ay qeybta ka yihiin. Taas macnaheedu ma ahan in dhammaantiis sida uu yahay loogu hoggaansamay oo aan innaba lagu xad gudbin.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, oo magaciisa loo soo gaabiyo ICRC, waa hey’ad ay howsheeda ugu weyni tahay in ay dhowrto nolosha iyo sharafta dhibbanayaasha dagaalka iyada oo u mareysa sharciyad caalami ah oo uu ka mid yahay Axdiga Geneva.  Waxay billowday in ay diiwaan geliso maxaabbiista labada dhinac ay kala hayaan.

Waxaa kale oo ay maxbuus kasta ka soo qaadday waraaq uu u dirayo oo qoyskiisa ama ehelkiisa oo uu ku wargelinayo in uu nool yahay, xiran yahay iyo caafimaadkiisa.

Soomaaliya waxay maxaabbiista Ethiopia-ka ah ku haysay xabsiyo ay ka mid yihiin Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, Xabsiga Dhanaane iyo Xabsiga Laanta Buuro.

Labada Dowladood mid kastaaba goonidisiisa ayuu isaga hubinayay waraaqaha ay maxaabbiista iyo qoysaskoodu isu dirayaan oo ay Laanqeyrta Caas u kala gudbineyso in ay yihiin kuwo ku kooban akhbaarta qoyska oo keliya.  Waraaquhu waxay ahaayeen kuwo furan oo aan bakhshad ku jirin.  Marka ay Dowlad waliba ay waraaqaha mid mid u akhriso oo ay iska hubiso in aan sir iyo macluumaad kale midkoodna ku qornayn waraaqda, ayay shaabbadeynsay ka dibna ay u gudbineysay Laanqeyrta Cas.

Warqadda waxaa ku qoran magaca maxbuuska, magaalada uu ku dhashay iyo sannadka iyo hooyadii magaceeda.

Maxaabbiistu maaddaama ay sannado badan xabsi ku jireen marka loo oggolaanayo in ay waraaq u qoraan qoyskooda, waxaa adkaatay in dadka ay waraaqaha u soo qoreen laga helo meelaha ay cinwaan uga soo dhigeen.

Qaarkood magaalo ayay ku soo qoreen, laga yaabo in qofka ay u soo qoreen uu dhintay, ama magaalada uu shaqo u joogay lagana beddelay oo uu ka guuray muddo hore.

Dowladdii berigaa jirtay ma oggolaan in magac qabiil laga qoro maxbuuska Soomaaliga ah ee ku xiran Ethiopia.  Dowladdu waxaa kale oo ay diiddaneyd in Warbaahinta laga sheego magacyada maxaabbiista Soomaalida ah ee ku xiran Ethiopia amaba meel fagaare ah laga sheego ama lagu soo dhejiyo magacyadooda.

Waxay dooneysay in maxbuus kasta qoyskiisa si yar oo hoose loo wargeliyo in uu nool yahay kuna jiro xabsi Ethiopia.

Waxaa intaa dheer in aan qoyska waraaqda loo soo qoray uu fahamkoodu yahay in wiilkoodii, walaalkood ama aabbahood – mid uu yahayba –  uu dhintay 1977 sidaa darteedna uma qabaan in uu nool yahay oo baadi goob kuma jiraan.

Howsha maxaabbiista Soomaalida ee ku xirnaa Ethiopia oo aan si toos uga qeyb qaatay 10 sano ka dib qabashadoodii, khibradda aan ka kasbaday oo ay ka mid tahay wixii hey’adaha amniga na dhex maray, waxa aan kala kulmay qoysaska maxaabbiista ee aan warka farxadda leh u geeyay, dareenkoodu sida uu noqday iyo ugu dambeyn mar kasta oo aan soo xusuusto howlgalkaas samafal ee sharafta lahaa sida uu dareenkeygu noqdo waxaan insha Allah kugula wadaagi doonaa qormooyin aan bartaan ku soo bandhigi doono mustaqbalka dhow.

W/Q. Yuusuf Garaad

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY