Sunday, February 18, 2018
Turkiga oo Qarka u saaran inuu Dagaal ku qaado Ciidamada uu Mareykanku...

Turkiga oo Qarka u saaran inuu Dagaal ku qaado Ciidamada uu Mareykanku taageero ee Suuriya

0
22

Madaxwaynaha Turkiga ayaa ka digay weerar uu ku qaado laba goobood oo ku yaalla wuqooyiga Suuriya oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Kurdiyiinta ee Mareykanku taageero.

Taangiyada iyo ciidamada Turkiga ayaa sidoo kale la soo dhoobay xadka Suuriya iyo Turkiga u dhaxeeya. Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in mucaaradka Suuriya ay taageerayaan dadaalka Turkiga uu argagixisada kaga saarayo Afrin iyo Manbij.

Goobahani ayaa waxa gacanta ku haya kooxda Kurdiyiinta ee (YPG),oo ay xukuumadda Ankara u aqoonsan tahay koox argagixiso ah. Mar sii horreysay ciidamada Turkiga ayaa duqeeyay degaanka Afrin oo daris la ah gobolka ay mucaaradka haystaan ee Idlib.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan si kulul uga jawaabtay hindisaha Mareykanka ay doonayaan in ay waqooyi bari Suuriya uga dhisaan xogag mucaarad ah oo dhan 30,000.

Madaxwaynaha Turkiga ayaa muddo dheer ku hanjabayay in uu weerari doono magaalada Afrin ee ay gacanta ku hayaan xoogaga Kurdiyiinta. Dowladiisa ayaa kooxdan YPG u aqoonsan in ay yihiin xisbiga shaqaalaha ee Kurdiyinta ee PKK oo la sii balaariyay.

Turkiga ayaa muddo 6 sano ah sheeda ka daawanayay xoogaga YPG iyo ciidamada xorta ee Suuriya oo gacanta ku dhigayo dhul dhan tobonaan kun oo kiilo mitir oo isku wareeg ah.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

error: Qof weynaa tahay isku xishoo oo wax quro haddii kale waan ku dacweeneynaa hadaad isticmaasho warbixinadeena