Waaliddiinta degaanka Marsabit ee Kenya oo ka cabanaya carruurtooda oo ku biiraya Al-shabab

0
148

Waaliddiinta degaanka Marsabit ee Dalka Kenya ayaa sheegay in carruurtooda ay ku biirayaan Al-shabaab iyagana aysan heyn awood ay uga celin karaan.

Waxaa ay sheegeen in carruur badan uga biirtay Al-shabaab iyaga oo xusay in Culimada degaanka aya mas’uuliyadadas leeyihiin.

Waxaa ay xuseen in todobaad kasta dhamaadkiisa ay 5 ka mid ah Culimada degaanka qabtaan muxaadarooyin carruurta lagu jecleysiiyo aragtida xagjirnimada islamarkaana loogu biiriyo Al-shabaab,iyaga oo ka codsaday in dowladda wax badan ka qabato arrintan.

Waxaa ay Waaliddiintu sheegeen in todobaadyadii la soo dhaafay ay waayeen carruur badan,kuwaas oo lagu tuhmayo in ay ku biireen Al-shabaab.

mid ka mid ah waaliddiintaas oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in Carruurta ugu badan laga waayay Dugsiga Taqwa Integrated School,kaas oo todobaad kasta ay fariistaan 5 Nin oo Culimo ah,kuwaas oo dhallinyarada ku dhiiro geliya ku biirista Al-shabaab.

Dowladda Kenya ayey ka dalbadeen in ay waqti badan geliso sidii wax looga qaban lahaa fekerka Culimadaas qaadsiinayaan Carruurtooda.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY