Waayihii kacaanka (Qeybta koowaad)

0
64
Dalka Soomaaliya wuxuu kamid ahaa Wadamada dhaca Qaaradda Afrika ee Gumeystihii reer Yurub ku qeybsadeen Shirkii Baarliin Sanadkii 1884-tii.
Bartamihii 1960-kii, Gobollada dhaca Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya waxay Xornimo ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana Dalka Madaxweyne ka noqday Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde).
1-dii July 1967-dii waxa xilka wareejiyay Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan oo uu Doorasho la Musuqmaasuqay uga guuleystay Raiizulwazaarihiisii hore Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Dowladahaan waxaa taag-darro iyo habacsanaan halkeeyay u dheeraa Musuqmaasuq, Qabyaalad iyo Foowdo aan ku tusaaleyn karo in Madaxweyne Cabdirashiid Cali sharmaarke oo booqasho ku jooga Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool uu toogasho ku dilo Askari loo xil saaray ilaalintiisa.
Subaxnimadii Talaadada ee 21-kii Octoobar 1969-kii oo ku beegneed 24-Saac kadib Aaskii Madaxweyne Cabdirashiid Cali sharmaarke, ayay Ciidamadii Milateriga iyo Boliisku Afgembi aan Dhiig ku daadan ku qabsadeen Dhismayaashii Muhiimka u ahaa Dowladda. Waxay gacanta ku dhigeen Idaacaddii Radio Muqdisho, Xarunta Baarlamanka, iyo Jidadka waaweyn ee irdaha u ah Magaalada Muqdisho.
Saraakiishii ka dambeeysay Afgembiga oo ka koobnaa 25-Xubnood, waxay isla maalinkaas ku dhawaaqeen Golahii Sare ee Kacaanka, waxayna Madaxweyne u doorteen Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye-Gaas Maxamed Siyaad Barre, waxayna Shacabka u sheegeen inay Dalka Kacaan ka sameeyeen, si looga badbaado Musuqmaasuqa, Qabyaaladda iyo Jahawareerkii uu Dalku ku jiray.
Kacaanku wuxuu Dalka ka leexiyay Jihadii uu u socday, oo wuxuu qaatay Nidaam Hanti-Wadaag ah, wuxuuna Dalka keenay Tababareyaal Milateri ah iyo Khubaro Suufiyeet ah, waxaana Muqdisho laga furay Xaruntii ugu weyneed ee Wakaaladda Sirdoonka Suufiyeedka(KGB) ee Qaaradda Afrika.
Kacaankii 21-kii Octoobar wuxuu Dalka ka hirgeliyay Hanaan Dowladnimo oo dhameystiran, wuxuu dhisay Ciidamo tayeysan oo mar noqday Ciidanka ugu fiican Qaaradda Afrika, waxaa biloowday Barnaamij ku Caan-baxay “Xisaabi xil ma leh” oo lagula xisaabtamayay Shaqaalihii Dawladda, waxaana la abuuray shaqooyin badan oo ku dhisan “Maxaad taqaannaa?”.
Waxaa la hirgeliyay “Ololaha Hirgelinta Farta Soomaaliga iyo Horumarinta Reer Miyiga”, waxaa kor loo qaaday Afka iyo Suugaanta, waxaana la sameeyey Eray-bixin looga maarmi karo Afafka Qalaad.
Waxaa Lacag la’aan laga dhigay Waxbarashadii Dalka, waxaana la dhisay Jamaacaddii Umadda Soomaaliyeed oo ka koobneed 15-Kulyadood.
Waxaa la xoojiyay Kaabayaashii Dhaqaalaha Dalka sida Waddooyinka, Dekedaha iyo Garoomada, waxaa la kordhiyey Wax-soo-saarkii Beeraha, waxaa la dhisay Warshaddii Sonkorta Mareerey, Warshaddii Burka iyo Baastada, Warshaddii Daawada, Warshaddii Sifeynta Batroolka, Warshaddii Shamiintada, Warshaddii Tarraqa iyo Sigaarka, Warshaddii Dharka, iyo kuwo kale oo ogaalkeyga ka maqan. Wax badan oo la qabtayna waxaa lagu fuliyay Mashruucii “iskaa wax-u-qabso” ee Dadweynuhu Udub-dhexaadka u ahaa.
Sanadkii 1971-dii, Wadamada Islaamka waxay Soomaaliya Gudoomiye ugu doorteen guddi loo xil-saaray inuu soo xaliyo Dagaal ka curtay Gooni-u-goosadkii Bariga Pakistaan, waxana lagu dhameeyay in la abuuro laba Dal oo Walaalo ah oo kala ah Pakistan iyo Bangaaladheesh.
Dabayaaqadii 1972-dii, Madaxweyne Siyaad Barre ayaa ku guuleystay inuu joojiyo Dagaal u dhexeeyay Yugaandha iyo Tanzaaniya.
Bishii Juun 1974-tii, Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Kalfadhigii 11-aad ee Ururka Midowga Afrika, waxaana Gudoomiye Sanadeedka Ururka loo doortay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxaana mudadii uu xilka hayay Xornimo qaatay Dalalka Angoola iyo Muzambiik; isla sanadkaasna waxay Soomaaliya ku biirtay Ururka Jaamacadda Carabta.
Dadkii usoo joogay Waayihii kacaanka waxay qabaan in Todobadii Sano ee ugu horeysay Maamulka Kacaanka ay Dalka ka jirtay Dowladnimo ku taagan Tiirar adag uuna Dalku ku tallaabsaday Horumar la taaban karay; Blase sida aan ku arki doonno qaybta soo socota, Kacaanku wuxuu qaaday Tallaabooyin Dhabarjab ku noqday Jiritaankiisii iyo Qarankii Umadda Soomaaliyeed, oo horseeday Guuldarro laga soo kaban la’yahay ilaa Maanta.
Goor dhow filo Qeybta Labaad.
Qalinkii Ustaad Xuseen Sabriye
Mudane ama Marwo, waxaan Qalin u qaatay Mowduuc lagu kala aragti duwanyahay lagana yaabo inaad iiga Xog-ogaalsantahay, waxaansa ku dadaalayaa inaan Dhexdhexaad ku noqdo Qalinkeyga. Fadlan wixii Talo iyo Xog ah, ama kuula muuqda Qalad Taariikhda laga galayo igula wadaag Email-keyga:
Husseinsabrie@gmail.com ama Ciwaankeyga Facebook: http://facebook.com/dhibac
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY