Wasaaradda Warfaafinta oo qalab laga xaday iyo cidda qaadatay oo la ogaaday

0
523

Iyadoo ay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ku jirto xilli kala guur ah ayaa xogta aan heleyno waxay sheegeysaa in Wasaaradda laga xaday qalab aad muhiim ugu ahaa.

Qalabka la xaday oo gaarayo ilaa 3 xabo ayaa muhiim u ahaa wasaaradda, waxaana loo isticmaali jiray Nalalka Wasaaradda iyo keydka dabka.

Sida ay Guuxa Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta qalabkaan ayaa la tuhunsan yahay inuu qaatay Agaasimaha Maamulka Wasaaradda Warfaafinta Cabdinaasir Xasan Xuseen.

Kusimaha Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaanow Yabarow ayaa lasoo sheegayaa inuusan waxba kala socon qalabkaan laga xaday wasaaradda, wuxuuna kusoo baraarugay waqti dambe oo wasaaradda laga adeegtay taasoo noqoneyso Mas’uuliyad darro iyo inuu kasoo bixi waayey shaqadii loo dhiibtay.

Sidoo kale waxaa jiro tuhun kale oo ku aadan inay kiiskaan ku lug lahaayeen xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, waxaaa ku daba joognaa sidii aan usoo heli laheyn magacyadooda.

Xaalad cakiran ayaa ka jirto Wasaaradda Warfaafinta, waxaana shakhsiga lagu tuhunsan yahay si deg deg ah looga dalbaday inuu soo celiyo qalabka laga qaaday Wasaaradda.

Qalabkaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad muhiim ugu ah wasaaradda, iyadoo la sheegay inuu ku fadhiyo qiimo lacageed aad u badan.

Shaqadii Wasaaradda ayaa inta badan u istaagtay buuqa ka dhashay arrintaan, waxaana laga war sugayaa go’aanka uu qaadan doono kusimaha Wasiirka Warfaafinta.

Wixii warar ah ee kusoo kordha xaaladda kacsan ee ka jirto Wasaaradda Warfaafinta dib ayaan idinkala wadaagi doono Inshaa Allah.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY