Warar lagu Kalsoon yahay ayaa Xaqiijinaya in Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) uu qayb ka mid ah Aiporka Muqdisho oo loogu tagalay in lagu balaariyo uu ka iibshay Ganacsato Turki ah oo ka dhisanaya Hotel.

Dhulka laga iibiyey Ganacsatada Turkida ah ayaa qaybta la dhigto baabuurta ee Gudaha Airporka marka la dhaafo albaabada hore ee laga soo galo Aiporka ee ay joogaan Ciidamada AMISOM.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Wasiirku isaga uu si toos ah arintaa ugu lug lahaa, hasa yeeshee Maareeyaha Airporka Cabdi Ashkir oo aan waxba ka ogayn arinkaa ayaa dib uga soo baraarugay, waxaana Cabdi Ashkir uu sheegay inay Tahay sharci darro iyo Xad gudub lagu sameeyey Shaqadiisa.

Maareeyaha Airporka Cabdi Ashkir ayaa la sheegay inuu diidmo ka muujiyey arinta uu ku kacay Wasiirka.

Xaaladan uu ku kacay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayeysan yaab ku noqon doonin Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ka filayey Xukuumadan arinkaa iyo Wax ka sii daran.

Xukuumada Kheyre ayaa isku muujisa inay ka hor tageyso Musuqmaasuqa hasa yeeshee Ficiladeeda ayaa ah Xukuumad ku shaqysa Musumaasuq iyadoo la xasuusto Dhacdooyin Musuqmaasuq ah oo ay sameeyeen Wasiiro ka tirsan Xukuumada Kheyre oo uu ka mid yahay awsiirka waxbarshada oo is daba marin ku sameeyey Arday soomaaliyeed oo waxbarasho ka helay Dalka Masar.

Warqada Wasiirku ugu ogolaaday Dhulka Airporka Haddii loo baahdo waa la soo bandhigayaa Insha allah.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here