Xidigaha Bollywoodka Ee Soo Xajiyen Ama Waajibadka Xajka Soo Guteen (+Sawiro)

0
354

Xidigaha Bollywoodka waa kuwa caan ah daafaha caalamkana magac kuleh sido kalena shaqadooda ugu weyn ee tahay fanka sida guudna fanka wadan walba ayuu maanta ka jiraa oo dad dhan ayee shaqadooda tahay.

Hadaba xidigahan katirsan Bollywoodka kuwi hore kuwa dhexe iyo kuwa cusuba waxay isugu jiraan jilayaal gaalo ah iyo kuwa diinta islaamka heystaan oo muslimnimo sheegtaan.

Camalka qofka Alle ayaa kula xisaabtama balse qof kudhahay muslim ayaan ahay wax laga dhaho malaha balse waxaa xaqiiq ah qof walba camalkiisa in lagula xisaabtami doono.

Sidaa awged waxaan idiin heynaa qaar kamid ah jilayasha iyo xidigaha Bollywoodk kuwaaso beytka barakeysan ee kacbada u xajiyen ama soo guteen waajibaadka xajka ee qof walba oo muslim ah lagu waajib yeelay.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Xidigaha Bollywoodka Katirsan Ee Waajibadka Xajka So Guteen:

Aamir Khan:

Hooyadiisa ayuu ka balan qaaday ayaa la sheegay in uu Xajka geen doono waxuuna balankaas kasoo baxay sanadkii 2012 isagoo xajka geeyay isagana soo xajiyey waana arin nadir ah oo aan qarsoneyn in Khan soo xajiyay.

AR Rahman:

Music yaqaanka caanka ah ee shirkadaha India aflaamta sameyaan oo dhan kasoo shaqeyay waxuu so xajiyay tiro 2 jeer ah mar waxay ahed sanadkii 2004 marna 2006.

Kader Khan:

Rugcadaa Kader Khan waxuu soo xajiyay sanadkii 2014 xili uu cimrigiisa sii fogaaday waxuuna maanta ku faraxsanyahay in uu so xajiyey maadama uu oday da’ah yahay..

Dilip Kumar Iyo Xaaskisa Saira Banu:

Super Star Dilip Kumar sanadkii 2013 ayuu soo cumreystay hadana markale sanadkii 2014 ayu soo xajiyay waxaana marwalba la jirtay xaaskisa Saira oo cumrada iyo Xajkaba raacday misane waajibkeda soo gudatay maadama ay yihiin dad muslimiin ah.

Muhammad Rafi:

Heesaagii bari samaadkii caanka ahaa ee Muhamaed Rafi waa nin muslim ah kuna geeriyooday isagoo heysta diinta islaamka waxuuna soo xajiyay bari samaadkii sanadkii 1970.

Wixii markaas ka dambeyay waxuu goaan ku gaaray in uu iska dhaafo heesaha uu ku luuqeynaayo wuuna joojiyay xidigaan.

Dhamaad….

Xidigaha Bollywoodka Ee Soo Xajiyen Ama Waajibadka Xajka Soo Guteen (+Sawiro)

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY