Xildhibaano u Hanjabay R/wasaare Kheyre hadii uu xilka ka qaado Wasiir Beyle

0
413

Xog gaara oo ay heshay shabakadda guuxa online ayaa sheegeysa in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka horyimaadeen xilka ka qaadis la sheegay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu sameyn rabo Wasiirka Maaliyadda Cabdi raxmaan Ducaale Beyle.

Waxaa la fahamsan in Wasiir Beyle uu ku jiro liiska wasiirada xilalkooda ku waayi doono isku shaandheynta la sameyn doono dhawaan.

Beyle ayaa tan iyo markii loo dhiibay wasaaradda Maaliyada la yimid waxqabad aad u fiican oo ku dhisan isla xisaabtan iyo cadaalad.

Xildhibaanadan ayaa uga digay Ra’iisul wasaaraha inuu xilka ka qaado Beyle, waxayna sheegeen haday taasi dhacdo in Xukuumadda ay ka keeni doonaan mooshin gabi ahaanba lagu wada ridayo.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayay dhowr jeer is qabteen Beyle, waxaana taasi laga yaabaa inay dadajineyso in xilka uu ka xayuubiyo.

Kheyre oo si weyn ugu faana hawsha ay qabatay wasaaradda Maaliyada ayaa hadii uu xilka ka qaado Beyle shacabka waxay kalsoonida kala laaban doonaan Xukuumadda oo ay u arki doonaan in dhamaan dadkii wax qabadka lahaa aan loo ogoleyn inay shaqooyin fiican qabtaan.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY