XOG CUSUB: Thaabit Cabdi oo Diiday Xil Culus oo ay u Bandhigeen Madaxda dalka

0
624

Xog gaara oo ay heleyso guuxa onlin ayaa sheegeysa in Guddoomiyihii Gobalka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed uu diiday inuu qabto xilka wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo loo bandhigay.

Madaxda dalka ayaa dooneysa Thaabit inay ku qanciyaan inuu ka mid noqdo wasiirada laakiin xilka wasiirka Dhalinyarada ayuu u arkaa mid aan ku habooneyn xiligan maadaama uu rajo wanaagsan Thaabit ka leeyahay in dalka uu Xilal waa weyn ka qabto.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah ka yeelan doonaa arinta Thaabit marka uu dalka kusoo laabto Farmaajo, waxaana la arki doonaa go’aanka madaxda dalka gaaraan iyo sida ay u qanciyaan.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY