Xog Naxdin leh oo laga helay Qaraxyada Shabaab ku Farsameeyaan Muqdisho..

0
641

Sida Warka uu sheegayo maleeshiyada Al-shabaab ayaa warshad farsameysa qaraxyada ka furtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Degmada Hilwaa, gaar ahaan nawaaxiga Suuqa Xoolaha ayaa naloo sheegay in Al-shabaab ay soo dhigteen qalabkii lagu farsameynayey Miinooyinka.

Ulajeedka ayaa ah in Miinooyinka ay ku qarxinayaan Muqdisho aanay magaalada Bannaankeeda ka keenin, islamarkaana gudaha magaalada un ay ku farsameystaan.

Al-shabaab ayaa culeysyo badan kala kulmay qaraxyadii ay kusoo farsameyn jireen banaanka Muqdisho, maadaama la qabtay qaarkood oo howshan ku jira.

Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa magaalada Muqdisho kusoo batay qaraxyada Miinada ee dhulka lagu aaso, waxaana lala eeganayey gaadiidka ciidanka DFS.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY